4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 24, 2014
MUQDISHO: Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musiibooyinka oo Maanta furmay


Axad, Ogoosto 24, 2014 (HOL) — Hoteelka Jaziira ee Muqdisho ayaa waxaa maanta ka furmay aqoon-isweydaarsi looga hadlayo ka hortegga iyo maareyn musiibooyinka ka dhaca dalalka Geeska Afrika.

Ka qayb-galayaasha aqoon-isweydaarsigaan ayaa la filayaa isku dhaafsan doona fikrado iyo doodo ku saabsan sidii loo heli lahaa hab mideysan oo musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa kale ee dhibaatada ku haya shucuubta gobolka ku nool looga hortegi karo.

Furitaankii kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, maamulka Jaamacadda Banaadir iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo hadal ka jeediyay furitaankii kulanka ayaa sheegay in aqoon-weydaarsigu uu shan maalmood socon doono, ayna iska kaashadeen qabsomiddiisa Jaamaacadda Banaadir, Tulane University iyo haya’dda caalamiga ah ee DRLA.

“Farxad weyn ayay u tahay Jaamacada Banaadir inay maanta marti geliso aqoon-iswey-daarsigan heerka goboleed ah ee looga hadlayo sidii looga hor-tegi lahaa loona mareyn lahaa musiibooyinka ka dhaca Geeska Afrika, isla markaana bulshooyinka ku nool ay diyaar garoobi lahaayeen sidii ay uga sii gaashaamam lahaayeen masiibooyinka,” ayuu yiri gudoomiyaha Jaamacada Banaadir.

Dr. Dalmar ayaa intaa ku daray in ka qeyb galaya aqoon-isweydaarsigan ay ka kala kala yimaadeen dalalka deriska la ah Somalia, sida Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Suudaan iyo gobollada dalka oo dhan, kuwaasoo isku jira aqoon-yahano ka shaqeeya Jaamacadaha gobolka, kuwa Soomaalida qaarkood iyo xirfadlayaal kale oo ku taqasusay la tacaalidda musiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, fatahaadaha, cudurrada IWM iyo kuwa dadku ay gacmahooda ku keensadaan sida dagaallada.

“Waxaa lagu casuumay aqoon-iswedaarsigan xubno ka socda hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn ee Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah intaba, waxaana shanta maalmood ee uu socdo lagu baran doonaa heerka koowaad ee ah dhisidda hoggaaminta iyo sida musiibooyinka loo maareeyo,” ayuu gudoomiyaha Jaamacada Banaadir ku daray hadalkiisa.

Xildhibaan Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee baarlamanka Soomaaliya oo isna furitaanka ka hadlay ayaa ka sheekeeyay in muhiimadda uu aqoon-isweydaarsigan leeyahay shucuubta ku nool Geeska Afrika, gaar ahaan Somalia oo ay ragaadiyeen musiibooyin kala nooc ah.

“Soomaaliya waxaa soo maray 23-kii sano ee lasoo dhaafa musiibooyin fara badan oo isugu jira, abaaro, fatahaado, dagaalo iyo qaar kale oo dhibaato geystay, waxaana rajeynayaa in aqoon-isweydaarsigan ay kasoo bixi doonto siyaasad mideysan oo wax badan ka taraysa sidii hoos loogu dhigi lahaa saameynta ka dhalan karta musiibooyinka imaan doona,” ayuu Prof. Dufle ka sheegay kulanka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka mid ahaa wasirradii ka qaybgalay furitaankii kulanka ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay furitaanka aqoon-isweydaarsigan, isagoo intaas ku daray in dalalka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya ay dhibaatoyin badan soo mareen, kuwaasoo dhamaantood ahaa musiibooyin.

“Dalalka qaarkood musiibooyinkii ka dhacay way kasoo kabteen, balse dalka aynu ku nool nahay ee Soomaaliya way ka duwan tahay, waxay soo martay welina ka jira dagaallo aan dhamaad lahayn oo marba weji cusub yeelanaya, abaaro sannad walba dhacaya, fatahaado soo laalaabta dhowr jeer iyo kuwo kale. Aqoonyahannada kulankan la isugu keenay waxaan ka rajeynaynaa inay dajiyaan istraatiijiyaddii looga dhammaan lahaa kuwa taagan, kuwa soo socdana looga hortegi lahaa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda.

Sidoo kale, waxaa khudbad jeediyay wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Ducaale Aadan Maxamed oo furay aqoon-is-weydaarsigan, isagoo sheegay in Somalia ay taageereyso xoojinta kulammadan oo kale, si loo helo fikrado iyo siyaasad lagu wajaho musiibooyinka dalka ka dhaca.

“Arrimaha musiibooyinka barashadooda, hoggaamintooda, abaabulkooda iyo wax-ka-qabadkooda, sii saadaalintooda iyo ka jawaabiddooda intaba waa howl isku xiran oo u baahan in loo helo dad aqoon u leh oo hoggaanka u qabta. Haddii aan taa la helina waxaan noqonaynaa dal mar walba ay ka taagan tahay qaylo-dhaan ku saabsan musiibooyinka ka dhasha biyaha, abaaraha, cimilada adduunka ee isbedeleysa, dagaallada IWM, kuwaasoo saameynta ka dhalan karta laga hortegi karay,” ayuu yiri Ducaale.

Ugu dambeyn, Macallin ka socday jaamacadda Sudan oo ka mid ah ka qayb-galayaasha aqoon-isweydaarsigan ayaa munaasabaddaas ku guddoonsiiyay guddoomiyaha jaamacadda Banaadir hadiyad qaali ah oo uu soo dhiibay Raktarka Jaamacadda Suudaan, waxaana hadiyaddaas si laab furaan ah u guddoomay kana mahad-celiyey Dr. Dalmar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya