4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 24, 2014
Kooxo hubeysan oo askar ku toogtay deegaanka Isku-shuban ee gobolka Bari

Axad, Ogoosto 24, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saaka 8:00 aroornimo ku toogtay deegaanka Isku-shuban ee gobolka Bari laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland, sida uu sheegay taliyaha qaybta booliiska gobolka bari, Col. C/xakiin Yuusuf Xuseen.

Col. C/xakiin Yuusuf oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay in labadaan askari ee la dilay ay magaalada keeneen oday-dhaqameed lagu magacaabo, Cumar Gees-dirir oo halkaas u tagay dhexdhexaadinta malleeshiyooyin hab beeleed u abaabulanaa oo horay u dagaalamay.

“Askarta la dilay mid wuxuu ka tirsanaa ciidamada PIF-ta ee tababarrada u qaabilsan Puntland, kan kalena wuxuu ka tirsanaa ciidamada daraawiishta, waxaana la dilay iyagoo dabri iska fadhiya,” ayuu yiri taliyaha booliiska Bari.

Taliyaha oo ku sugan deegaanka ayaa sheegay in dilka askarta ay geysteen dabley markiib deegaanka ka baxay, wuxuuna xusay in marka uu dilku dhacayay ay socotay qorshe lagu dhexdhxaadinayo kooxaha horay ugu dagaalamay deegaanka.

“Markii falku dhacay waxaan magaalada ka saarnay kooxihii hubeysnaa si aanu fal kale u dhicin, xaaladdu waa deggen tahay, waxaana sugaynaa tallaabada la qaadi doono madaxda Puntland iyo odayaasha dhaqanka,” ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha.

Sidoo kale, taliyaha wuxuu xusay inaysan kooxihii falkaas geystay waanu garanaynaa, balse ma qabno amar ah inaan soo qabanno, isgaoo xusay in haddii odayaasha dhaqanka ay keeni waayaan raggaas ay iyagu soo qaban doonaan.

“Kooxihii falka geystay waxay ku sugan yihiin hareeraha magaalada,” ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha oo sheegay in labadii askari ee la dilay oo uu midkood ahaa darawal ciidanka daraawiishta ka tirsan galabta lagu aasayo Isku-shuban, balse qof la socday oo dhaawacmay ayuu xusay in loo qaaday deegaanka Xariiro si loogu soo daweeyo.

Mar la weydiiyay in wararku sheegayaan in kooxihii falka dilka ah geystay ay deegaanka ku hareereysan yihiin iyaguna ay maxaabiis yihiin, ayaa kaga jawaabay in magaalada aysan hareereysnayn oo kooxhaas ay yihiin kuwo dambiilayaal ah oo baqaya, xaaladduna ay tahay mid wanaagsan iyaguna ay gacanta ku hayaan deegaanka.

Illaa hadda ma jiro hadal kasoo baxay maamulka sare ee Puntland oo dilka askartan ku saabsan, iyadoo tani ay imaanayso xilli la qorsheynayay in lagu heshiisiiyo Isku-shuban beelo horay u dagaalamay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya