4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 24, 2014
Sinigaal oo xirtay xuduuda ay la lahayd Gini cabsi ay ka qabto cudurka Ebola


Axad, Ogoosto 24, 2014 (HOL) — Waddanka Sinigaal oo ku yaalla galbeedka Afrika ayaa xiray xuduudda uu la leeyahay dalka Gini, cabsi uu ka qabo inuu dalkiisa soo galo cudurka Ebla, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaas, sidoo kalena wuxuu dalkan xiray dulimaadyadii iyo sidoo kale maraakiibtii kaga imaan jiray Gini, Sierra Leone iyo Liberia.

Sinigaal ayaa xuduud kala wadaaga dalka Gini dhinaca waqooyi-galbeed, iyadoo laga helay 579-qof oo dalkaas ku nool, sid ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Gini ayaa wuxuu xuduud kala wadaagaa dalalka Sierra Leone iyo Liberia jihada koonfur-galbeed iyadoo saddexdan waddan uu si xun u aafeeyay cudurka halista ah ee Ebola.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in saddexda dal iyo Nigeria laga helay 2,473 qof tan iyo markii cudurkan ka dillaacay. Dalka Nigeria ayaa laga helay 14-qof oo qaba cudurkan, iyadoo ay u dhinteen afar qof oo ka mid ah.

Kala-bar dadkii uu haleelay cudurkan ayaa u dhintay, iyadoo tani ay tahay tiradii ugu badnayd ee uu cudurkan dilo tan iyo markii la ogaaday sannadkii 1976-dii, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka.

Dalka Sinigaal ayaan ahayn dalkii ugu horreeyay oo u xiray xuduudihiisa tan iyo markii uu ka dilaacay Galbeedka Afrika cudurkan halista ah. Iyadoo ay sheegtay madaxweynaha dalka Liberia, Ellen Sirleaf in dalalka dariska la ah ay ka xirteen xuduudahooda.

War-saxaafadeed uu soo saaray Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladda cudurka, iyagoo xusay inay caawinayaan oo ay garab-istaagayaan dalalka uu cudurkan aafeeyay.

Midowga Afrika ayaa kulan ay ku yeesheen xaruntooda Addis Ababa waxay kasoo saareen go’aan ah in loo diro dalalka uu cudurkan ku dhuftay ciidan milateri ah, shaqaale gargaar iyo sidoo kale dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal iyo gargaar dawo ah.

Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegtay inuu yahay cudurka Ebola cudurkii ugu halista badnaa ee ka dilaaca caalamka, iyagoo sheegtay in cudurkan uu si dhaqso ah ugu gudbo dadka aan qabin ee soo booqanaya goobaha lagu daweynayo dadka uu cudurkan soo ritay.

Dalalka uu cudurkan ka dilaacay ayaa waxaa horay uga joojiyay dalal badan oo caalamka ah duulimaadyo ay diyaaradahoodu ku tegi jireen, iyagoo cabsi ka qaba in cudurku uu si fudud kusoo galo dalalkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya