4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 24, 2014
AMISOM: Diyaar ayaan u nahay ka qaybgalka howlgalada hubka lagu dhigayo

Axad, Ogoosto 24, 2014 (HOL) — Hoggaanka AMISOM ayaa sheegay inay sii wadayaan ka qaybgalka howlgallada hub ka dhigista ee ay waddo xukuumadda Soomaaliya, kaasoo qayb ka ah qorshayaal ay dowladdu ku doonayso inay ku adkeyso nabadda Muqdisho iyo tan dalka oo dhan.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Col. Dick Alum ee gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle ayaa sheegay in cid kasta oo dagaal kala hor-timaada AMISOM ay u arkayaan cadawga Soomaaliya, isagoo xusay inay diyaar u yihiin inay kala qaybqaataan dowladda howlaha hub ka dhigista ah ee socda.

“Waxaan diyaar u nahay in ciidamada ammaanka dowladda, sida booliiska, nabadsugidda iyo ciidamada xoogga kala qayb-qaadanno howlaha amniga sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka, haddii ay hub ka dhigis tahay iyo haddii kaleba,” ayuu yiri Col. Alum.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dagaalkii bishan ka dhacay degmada Wadajir uu ka dhashay weerar gaadmo ah oo ay kusoo qaadeen ciidammo daacad u ahaa Axmed Daaci iyaguna ay iska difaaceen, sidaas ay AMISOM uga qayb-qaadatay howlgalkaas.

Taliyaha ayaa xusay in hay’adaha ammaanka dowladda ay ku wareejiyaan illaa tobaneeyo ka mid ah xoogggii u dagaalamayay Axmed Daaci, si iyagu ay go’aan uga qaataan.

Ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer howlgallo lagu ururinayay hubka sharci-darrada ah kala qaybgalay ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoo sheegay in howshan ay tahay mid lagu nabadeynayo Soomaaliya.

Hadalka taliyaha ciidamada AMISOM ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan ay xukuumadda Soomaaliya guddi u saartay baaritaan lagu sameeyo howl-galkii ka dhacay degmada Wadajir 15-kii bishan, kaasoo hubka loo dhigayay Axmed Daaci.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya