4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 24, 2014
Dibadbax lagu taageeray Nabada oo Maanta ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, Ogoosto 24, 2014 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay bannaanbax xoogan oo lagu taageerayo nabadda iyo ammaanka Muqdisho, waxaana ka qaybgalay boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay waddooyinka waaweyn kuwaasoo ka kala yimid degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir.

Dibadbaxayaasha oo sitay boorar ay ku qornaayeen "Waqtigii Shabaab wuu dhamaaday  - Annagaa naqaan waxa noo fiican, mana doonayno fikradaha xag-jirnimada ah” iyo erayo kale.

Bannaanbaxa oo soo qabanqaabiyay ururka haweenka Qaranka ayaa waxaa ka caawiysay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD iyadoo ay khudbado ka jeediyay bulshada rayidka iyo xubno kale.

Guddoomiyaha degmada Boondheere, Qaasim Cabdullaahi Xasan iyo Madiina Caamir oo ka tirsan haweenkii dalka u soo halgamay ayaa waxay si aad ah uga hadleen nabadda Muqdisho iyo tan dalka, iyagoo ku boorriyay shacabka inay si wadajir uga qaybqaataan sugidda amniga iyo xoojin lahaa dowladda.

"Aan u duceyno kuwii u dhintay ama u dhaawacmay nabadgalyada dalka aan maanta naalooneyno," ayuu yiri Sheekh Soomow oo intaas ku daray in laga wada-qayb-qaato amniga, gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir iyo sidoo kale ciidamada amniga illaa madaxda sare ee dalka.

Waxaa kaloo halkaas khudbad ka jeedisay, Sahra Cumar Maalin oo ka mid ah guddiga dastuurka federaalka, iyadoo xustay in haddii aan amni la helin aanay suuro-gal ahayn in la qabto wax kasta oo dalka horumar ku gaari karo, iyadoo ugu baaqday madaxda sare ee dowladda inay raacaan qodobbada Qaramada Midoobay ee tilmaamaya doorka haweenka ay ku leeyihiin nabadda.

"Haddaan amni la helin ma jiraan wax horumar ah oo laga sameyn karo," ayay tiri Sahro Cumar oo hoosta ka hariiqday in haweenka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin maanta inay taageero hiil iyo hooba leh ay la is-garab-taagan hay'adaha amniga dowladda, hase yeeshee waxay caddeysay in dowladdu ka caga-jiideyso sidii haweenka loo siin lahaa xuquuqaha uu dastuurka dalka iyo kan Qaramada Midoobay lagu caddeeyay ee ku saabsan doorka ay ku leeyihiin nabadda iyo horumariunta bulshada.

Xoghayaha ururka haweenka Qaranka Somalia, Canab Maxamed Cosoble ayaa halkaas ka jeedisay khudbad kicisay dareenka dadweynihii kasoo qayb-galay dibadbaxa ka dhacay taallada Daljirka Dahsoon.

"Haweenka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin ka qayb-qaadashada sidii amniga dalka lagu horumarin lahaa," ayay tiri Canab oo madaxda sare ee dalka ka weydiisatay inaysan xukun u dhiibin wasiir aan shaqadiisa gudan karin, waxayna caddeysay inay sidaan oo kale bannaanbaxyo waaweyn ku taageerayaan wasiirkii laba toddobaad gudahood la yimaada waxqabad muuqda.

Iyadoo sii hadlaysa ayay mar kale tiri. "Waan u dhimanaynaa wax kasta oo dalkan nabaddiisa kor u dhigaya, isla markaana waan ka hortageynaa kuwa shar-wadayaasha ah ee dalka dib u dhigaya." Iyadoo ku boorrisay shacabka bannaanbaxayay inay gacmaha is-qabsadaan ayna ka hortagaan wax kasta oo nacab ku ah jiritaankooda.

Bannaanbaxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxay dadweynahii kasoo qaybgalay ku muujiyeen doorka wasiirka amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg uu ku leeyahay howlgallada lagu xoojinayo nabadda ee maalmahan ka socda Muqdisho.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha degmada Boondheere oo halkaasi khudbad xiritaan ah ka jeediyay ayaa u mahad-celiyay dadweynihii bannaanbaxayay oo uu sheegay inay muujiyeen shucuurtooda iyagoo aysan cid soo khasabtay aanay jirin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya