4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 24, 2014
Ganacsada Suuqa Bakaaraha oo Ganacsigoodii u xiran Canshuur lagu Rogtay

Axad, Ogoosto 24, 2014 (HOL) — Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa joojiyay maanta howlihii ganacsi ee suuqaas kaddib markii lagu soo rogay canshuuro xad-dhaaf ah, sida ay sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada suuqa.

Dhammaan dukaamadaha ganacsiga, sida bakhaarada, suuqyada dawada, bacadlaha, kan qudaarta, dahabka iyo qaybaha kale ee suuqaas uu ka kooban yahay ayaa albaabada loo laaya, iyadoo aysan jirin goob ganacsi oo furan.

“Sababaha aan shaqada u joojinnay waxaa ka mid ah canshuuro ay nagu soo rogtay dowladda Soomaaliya, taasoo ah mid xad-dhaaf ah, waana sii wadi doonnaa dibadbaxeenna shaqo joojinta ah inta wax laga qabanayo canshuurahaas xad-dhaafka ah,” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur oo ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha.

Gudha suuqa ayaa waxaa lagu arkayay saakay ganacsato dibadbaxya kuwaa oo sheegay inay ka cabanayaan canshuuraha xad-dhaafka ah ee lagu soo rogay ganacsigooda.

“Qolada dowladda ah waxay amar ku bixisay in ganacsiga canshuuro xad-dhaaf looga qaado dekedda, markii gaariga alaabta sida uu yimaado gudaha suuqa Bakaarahana ay canshuur kale ka qaadaan, waa taas tan aan maanta u go’aansannay inaan shaqooyinkii u joojinno,” ayuu yiri Cali Xaashi oo isna ka mid ah ganacsatada Bakaaraha.

Sidoo kale, ganacsatada ayaa sheegay in amarka canshuurahan fara badan uu kusoo rogay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha ay sameeyaan tan iyo markii Al-shabaab ay Muqdisho isaga baxday sannadkii 2010-kii, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ay dowladdu kasoo saartay shaqo joojinta ganacsatada suuqa Bakaaraha.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah kan ugu weyn Koonfurta Soomaaliya, halkaas oo uu ka baxo adeegyada la geeyo gobollada dalka qaarkood, gaar ahaan kuwa ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya