4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 24, 2014
Bayle oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka Guddoomay Danjiraha Hindiya


Axad, Ogoosto 24, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale  Bayle ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjire-ninimo safiirka cusub ee Hindiya u fariisan doona Somalia, danjire Yogeshwar Varma.

Bayle ayaa kulan la qaatay danjiraha cusub kaddib markii uu guddoomay warqadaha aqoonsiga, isagoo ka sheekeeyay horumarka ballaaran ee uu gaaray xiriirka siyaasadeed iyo midka iskaashi ee labada dal ka dhaxeeya, gaar ahaan ganacsiga, wax-soo-saarka beeraha, kalluumeysiga, farsamada dharka, la-dagaalanka burcadbadeedda iyo argagaxisada.

Wasiirku wuxuu muujiyay kaalinta dowladda Hindiya ay ka qaadato arrimaha Soomaaliya, isagoo ka codsaday kordhinta deeqaha waxbarashada tooska ah ee Hindiya ay ugu deeqdo sanad walba, tababaridda siyaasyiinta, qalabeynta ciidamada badda iyo maa-lgelinta mashruuc la xiriira kaluumeysiga dalka, si kalluunka Soomaaliya loogu iib-geeyo suuqyada caalamka.

Danjire Yogeshwar Varma ayaa dhankiisa gudbiyay salaan uu uga siday wasiirka arimaha dibadda Hindiya, Sushma Swaraj, isagoo xusay inay muhiimad ballaaran ay ugu fadhido dalkiisa xoojinta xiriirka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in xiriirka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Hindiya uu si rasmi ah u blilowday sannadkii 1961-kii, iyadoo muddadaas ka hor uu labada dal ka dhexeeyay xiriir ganacsi labada shacab oo  doomaha shiraaca leh dhanka badweynta Hindiya isku weydaarsan jiray dharka, sokorta, xoolaha nool iyo dhirta laga sameeyo waxyaabaha udugga iyo carafta leh.

Dalka Hindiya ayaa wuxuu ka mid noqonayaa dalalka danjirayaasha u soo dirsaday Soomaaliya labadii sano ee ugu dambeysay, iyadoo horay ay dhowr dal oo ay ku jiraan kuwa Yurub ay safiirro u soo dirsadeen Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya