4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 24, 2014
Qarax khasaare geystay oo ka dhacya Garaash lagu iibiyo Shidaal iyo Gaadiid

Axad, Ogoosto 24, 2014 (HOL) — Qarax inta la ogyahay geystay khasaare hantiyeed ayaa goor-dhow ka dhacay garaash lagu iibinayay shidaalka iyo gaadiidka ganacsiga ah oo ku yaalla Isgoyska Baar Ubax ee degmada Howl-wadaag.

Inkastoo qaraxa ayaa la ogeyn wuxuu yahay, ayaa haddana wararka soo baxaya waxay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid lagu tuuray garaashka, halka wararka qaarkoodna ay sheegayaan inuu qarxay gaari lagu xiray waxyabaaha qarxa.

Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay inay gubtay garaashka oo ay ku jireen gaaadiid iyo shidaal aad u fara badan, iyadoo la sheegayo in waxyeello ba'an uu dabku u geystay gabi ahaan hantidii taallay halkaas.

“Qarax weyn ayuu ahaa, wuxuu ka dhacay garaash ku yaalla isgoyska Baar Ubax, runtii xaaladdu way kacsan tahay, meel walbana ciidan ayaa jooga,” ayay tiri haweeney ka mid ah dadka deggen xaafadaha ku dhow garaashka.

Ciidamada dowladda ee goobtaas gaaray ayaa rasaas nool hawada u ridaya iyadoo la xiray waddooyinka ku dhow garaashka iyo isgoyska Baar Ubax, sidoo kalena ay istaageen gabi ahaan gaadiidkii waddooyinkaas marayay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada dowladda Somalia ay howlgallo ka billaabeen agagaarka isgoyska, kuwaasoo ay ku baadi-goobayaan kooxihii qaraxa ka dambeeyay oo aan la ogeyn.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay bamka sababay khasaaraha hantiyeed e ka dhacay garaashyadan, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo goob ganacsi lagu bartilmaameedsado waxyaabaha qarxa.

Gaadiid badan iyo shidaal ayaa la sheegay inay ku gubteen garaashka, inkastoo aan weli lasoo warin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxa lala beegsaday garaashyadan iyo dabka ka kacay.

Wixii wararka kusoo kordha waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya