4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 24, 2014
Baarlamaanka oo Puntland iyo dowladda Somalia ugu baaqay inay heshiiyaan


Axad, Ogoosto 24, 2014 (HOL) — Guddoonka baarlamaanka ayaa soo dhaweeyay doorka xildhibaannada golaha baarlamaanka Soomaaliya ee Puntland kasoo jeeda ay ku dhex-dhexaadinayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Xildhibaannada ayaa waxay isku dayayaan inay dhexdhexaadin ka dhex-abuuraan Puntland iyo dowladda dhexe, kaddib markii Puntland ay goor sii horreysay ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda dhexe ee Somalia.

“Sida uu qabo qodobka 61-aad ee dastuurka dalka, xildhibaannada golaha shacabka waxay u gudanayaan waajibaadkooda Qaranku sida ay ku jirto danta Qaranka, iyadoo waajib gaar ah iska saaraya deegaannada ay kasoo jeedaan, sidaa awgeed wuxuu guddoonka ku bogaadinayaa xildhibaannada inay dadaal u galaan in la furo wadahadallo u dhexeeya dowladda dhexe iyo Puntland,” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay guddoonka baarlamaanka.

Sidoo kale, guddoonka baarlamaanka ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta dowlad-gobolleedka Puntland sida ay danta Qaranku ku jirto ee ay u soo dhaweeyeen dadaalka xildhibaannada baarlamaanka. Guddoonka wuxuu ku bogaadinayaa xukuumadda Soomaaliya sida ay u soo dhaweysay in wada-hadal la furo, is-fahamna laga gaaro wixii kala fikir duwanaansho ah.

Ugu dambeyn, guddoonka baarlamaanka wuxuu si dhow ula soconayaa ka mira-dhalinta dadaalka xildhibaannada billaabeen wuxuuna ku dhiirri-gelineynaa labada dhinac inay si deg-deg ah u gado-galaan wadahadallada, is-faham buuxana ka gaaraan wixii kala fikir duwanaansho ah muddo 30 maalmood gudahood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya