4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 24, 2014
Ururada NUSOJ iyo VIKES oo tababar u furay Suxufiyiin ka howlgala Somalia


Axad, Ogoosto 24, 2014 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Qaran Soomaaliya ee NUSOJ iyo hay’adda Hormarinta Warbaahinta dalka Finland ee VIKES ayaa aqoon-kaal ku saabsan mabaadii’da saxaafadda, xorriyadda hadalka iyo anshaxa saxaafadda soconna doona saddex cisho uga furtay qaar ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala warbaahinada kala duwan ee magaalada Muqdisho, hooteelka Siyaad City ee Muqdisho.

Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Ibrahim ayaa sheegay in aqoon-kaalkan saddex maalin ah 23 – 25 Agoosto uu u qaybsan yahay labo weji, wejiga koowaad oo ah maalinta ugu horreysa waxaa lagu casuumay 50 suxufiyiin oo hay’adahan bishii May 3 -6 2014 ay tababar ku siiyeen, si ay u hubiyaan sidii suxufiyiintaas uga faa’iideysteen aqoontii la baray iyo sidii ay u dabaqeen aqoontii horey loogu faa’iideeyay, iyadoo qaar ka mid ah suxufiyiintaas ay soo bandhigeen barnaamijyo baariseedyo ay sameeyeen.

“Wajiga labaad ee tababarkan ayaa waxaa lagu wadaa inay ka faa’iideystaan 30-saxafi oo ka howlgala warbaahinta kala duwan ee Muqdisho, loogana faa’iideyn doono dhinaca mabaadii’da saxaafada, xorriyada hadalka iyo anshaxa saxaafadda, taasoo wax badan ka kordhin doonta suxufiyiinta ka qayb-gelaya,” ayuu yiri xoghayaha guud ee NUSOJ.

Aqoon-kororsigan ayaa ah kuwo is daba-joog ah oo NUJOS iyo VIKES ay ku doonayaan inay ku kobciyaan, isla markaana wax ku kordhiyaan heerarka aqooneed ee suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Wakiilka hay’adda VIKES, Cabdi Muuse oo ah saxafi Soomaaliyeed kana mid ah howl-wadeenada aqoon-kaalka casharada ka bixin doona ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu yimaado dalkiisii hooyo, una faa’iideeyo suxufiyiinta walaalihiis ah ee ka shaqeeya Soomaaliya. Cabdi Muuse ayaa sheegay in aqoon-kaalka noocan ah ay kordhin doonaan, isagoo u mahad-celiyay. Wali Xaashi oo ah suxufi rug caddaa ah oo ku nool ka Finland, kuna jira hormuudka aqoon-kaallada lagu horumarinayo suxufiyiinta.

Sidoo kale, waxaa ka hadlay munaasabadda furitaanka aqoon-kororsiga, hormuudka jaamacadda Jobkey, Inj. Cabdicasiis Cabdisamad Caagane oo munaasabadda ka ballan-qaaday in jaamacadiisu ugu deeqday deeq-waxbarasho oo shan xubnood ah NUSOJ si ay uga faa’iieystaan suxufiyiinta. Waxaa kaloo ka hadlay, Maxamed Yuusuf oo ah afhayeenka wasaaradda amniga, Ridwaan Xaaji Cabdiweli afhayeenka xukuumadda.

Ugu dambeyn, waxaa aqoon-kororsigan si rasmi ah u furay wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdullahi Colaad Rooble isagoo uga mahad-celiyay hay’adihii isku howlay tababarkan, isla markaana ku dhiirri-geliyay suxufiyiinta in aqoonta lagu bixinayo si wanaagsan uga faa’iideystaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya