4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2014
Dibadbax Cabasho ah oo ka dhacay Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan


Sabti, Ogoosto 23, 2014 (HOL) — Dibadbax ballaaran oo ay kasoo qeyb-galeen bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa maanta ka dhacay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah degmooyinkii lagala wareegay Al-shabaab sannadkan gudihiisa.

Dadka isku soo baxay ayaa ka cabanayay go’doominta ay degmada hayso Al-sbabaab iyo sare u kaca ku yimid maciishada kala duwan, kaddib markii Al-shabaab iska hortaageen degmada in ay gudaha u gallaan gadiidka xamuulka ah ee sidda badeecada qeybaheeda kala duwan.

Dadka dibadbaxa ka qeyb-qaadanayay ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Al-shabaab, iyaga oo dhinaca kalana fariin u dirray maamulka gobolka, ciidammada AMISOM iyo dowladda dhexe oo ay ka dalbadeen in sidda ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto go’doominta mudada dheeray ku jirto degmada.

“Wax la iibsan karo malaha dadka baahi ayeey u dhimanayaan, suurtagal ma’aha in siddan lagu fiirsado degmada, waan in sidda ugu dhaqsiyaha badan arrintan wax looga qabtaa,  iyo ero kale ayeey ku qeylinayeen dadkii isku soo baxay.

Bannaanbaxan ayaa noqoanaya kii ugu horreeyay oo degmada ka dhaca tan iyo markii laga saaray Al-shabaab, waxaana xusid mudan in marar badan oo hore maamulka gobolka Hiiraan uu ku celi celiyay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loog dul-qaadi doono degmada xoogagga ku hareereysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya