4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 23, 2014
Wasiirka arrimaha bulshada Jubba oo Maanta dhagax-dhigay Maktabad cusub

Sabti, 23 Agoosto, 2014 (HOL) :- Wasiiro ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xaruntii hore ee duqa magaalada Kismaayo, taasoo maamulka Jubba uu u asteeyay in laga dhigo Maktabad, islamarkaana maanta si rasmi ah loogu bilaabay howlo dib u dhis ah.

Xaruntan oo burbursanayd mudo aad u dheer ayaa waxa loo qorsheeyay in laga dhigo maktabad iyo weliba goob lagu barto farsamooyinka casriga ah sida Kumbuyuutarrada, waxaana xafladdii furitaanka kasoo qeybgalay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max'ed Warsame Faarax Darwiish, wasiirka arimaha bulshada Macalim Max'ed Ibraahim iyo madax kale oo ka tirsan maamulka Jubba.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay C/rashiid Max'ed Cali oo ah maamulaha
hay'adda SFS (Somali Family Service) oo ah hay'adda dib u dhiska ku sameeyneeyso xaruntan, waxa uuna sheegay in dib u dhis iyo qalabeyn ay ku sameyn doonaan xaruntan, islamarkaana ay ka hirgelin doonaan Maktabad weyn, isagoo intaa ku daray in sidoo kale ay keeni doonaan Kumbuyuutarro si ay uga faa'iideysato bulshada.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max'ed Warsame Faarax Darwiish oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in maktabaddan ay muhiim u tahay dadka wax baranaya, maadama aysan gobolka ka jirin wax maktabad ah oo laga helo buugaagta aqoonta.

Gabagabadii wasiirka arimaha bulshada maamulka Jubba Macalim Max'ed Ibraahim ayaa dhagaxdhigay xaruntan dib u dhiska lagu sameeynayo, isagoo sheegay in ay tahay talaabo hore loo qaaday, wuxuuna ugu baaqay dadka u dhashay deegaanada Jubooyinka in ay ka shaqeeyaan arimaha horumarka deegaanadooda.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa magaalada Kismaayo laga dareemayay horumar dhanka dhismaha ah, iyadoo dayactir lagu sameeyay xarumo muhiim u ahaa adeegyada bulshada, waxaana ay arintani muujineeysaa sida bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo ay uga soo kabaneeyso dhibaatooyinkii laga dhaxlay dagaalladii sokeeyay ee dalka soo maray.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya