4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2014
Wasiirka diinta iyo owqaafta iyo xubno Wasiiro ah oo booqday Xabsiga dhexe


Sabti, Ogoosto 23, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna ku-simaha ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha Diinta iyo Owqaafta, Ridwaan Xersi Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa maanta booqasho ku tagay xabsiga dhexe ee Xamar.

Wafdiga la socday Ridwaan ayaa waxaa ka mid ahaa; wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka, wasiirka warfaafinta iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, iyagoo indho-indheyn ku sameeyay maxaabiista iyo raashinka loo kariyo.

Mudane Ridwaan iyo xubnaha la socday ee golaha wasiirrada ayaa kormeer kusoo sameeyey qolalka ay ku xiran yihiin maxaabiista iyo goobaha cuntada loogu kariyo, isagoo ballan-qaaday in dowladdu ku dadaalayso sidii dhibka ka jira xabsiga dhexe wax looga qaban lahaa.

Taliyaha ciidamada asluubta Somalia, Xuseen Xasan Cismaan ayaa tilmaamay inay jiraan dhibaatooyin xabsiga ku haysta maxaabiista, isla markaana uu wali dayactir u baahan yahay xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Kormeerka kaddib, wasiirka cadaaladda, Faarax Sh. C/qaadir oo hadal siiyay warbaahinta ayaa ku sheegay ujeedka kormeerka inuu yahay u kuur-gelida xaaladaha ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jira xabsiga dhexe.

“Maanta waxaa soo booqannay xabsiga dhexe, ujeedka kormeerku wuxuu ahaa in loo kuur-galo xaaladaha amni, dhaqaale, caafimaad iyo maamul ee xabsiga iyo maxaabiista ku xiran,” ayuu yiri Faarax C/qaadir.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay. “Runtii xaaladda xabsigu uu haatan ku sugan waa mid aad u adag, kormeerkeenuna wuxuu kamid yahay qorshaha xukuumaddu ku doonayso dib-u-habeyn in loogu sameeyo dhammaan xabsiyada dalka oo dhan.”

Ugu danbeyn, wasiirka ayaa tilmaamay in isbedel muuqda ay dhawaan ku sameyn doonaan xabsiga dhexe, isla markaana wax laga qaban doono duruufaha adag ee ka muuqda maxaabiista, isagoo boggaadin u jeediyay ciidamadda asluubta oo gacanta ku haya maxaabiista.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya