4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2014
Cabasho xooggan oo ka taagan dhakhli ururinta Dowladda dhexe & tan hoose


Sabti, Ogoosto 23, 2014 (HOL) — Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya qaabka canshuur uruurinta dowladda dhexe iyo midda hoose, kaasoo noqday kuwo iska hor-imaanaya, iyadoo durba cabashooyinka arrintan laga keenayo ay isa soo tarayaan.

Ganacasatada ku dhaqan suuqa bakaaraha ayaa xusay inay isa soo tarayaan iska hor-imaanshaha dakhli uruurinta laamaha dowladda Soomaaliya, sida gobolka, degmooyinka iyo ciidamada, taasoo culeys badan ku keentay habsami u socodka howlaha ganacsi ee caasimadda.

Maamulka ganacsatada Bakaaraha oo arrintan cabasho kasoo gudbiyay ayaa u cuskanaya qodobbadan hoos ku xusan oo noqday dhibaatooyinka ku hor-gudban howlaha ganacsiga Muqdisho.

Haddaba, cabashooyinka ay soo gudbiyeen Maamulka Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sidan ah:

1. Baabuurtii alaabooyinka kasoo qaaday dekedda ee bixiyay canshuurtii ayaa loo diiday dakhli ururintii kala duwan aawgeed dejinta badeecadihii ay wadeen, kuna xanibay waddooyinka dhexmara suuqyada magaalada. Dakhligaas la dalbayo maamulka suuqyada Muqdisho kama war qabaan, sharciyadeedana laguma qancin ganacsatada.

2. Lacago is-diiwaan-gelin ah oo laga rabo bakhaarada, iyadoo ganacsiyada ay shatiyo haystaan, arrintaan oo ay ganacsato badan u xir-xiran tahay.

3. Lacago sharci-darro ah oo kontrollada lagu qaado: lacago dheeri ah oo Koontroollada Muqdisho gaadiidka xamuulka ah looga qaado iyadoo uu soo bixiyay dhammaan wixii dakhli ahaa ee ku waajibay, waxaa ka mid ah is-goysyadaas kontaroollada Balcad, Afgooye, kan xeebta IWM.

4. Arrimahan waxay dhibaato xoog leh ku hayaan ganacsigii Muqdisho, iyadoo awalba amniga ganacsatada uusan sugnayn, magaalada kaliya ee dakhliga laga ururiyo dalka oo dhan ay tahay Muqdisho, ganacsataduna aysan ixtiraam ku haysan inay canshuur bixiyeyaal yihiin oo sidii la rabo loola hadlo markay xafiisyada dowladda, iyo gobolkaba dan ka yeeshaan, laguna qasbo waxyaabo aan sharci ahayn.

Qodobbadan kasoo baxay maamulka ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa ku soo aadaya xilli wasaarada Maaliyadda Somalia ay sheegtay in la hirgelinayo canshuurihii berriga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya