4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2014
Muhaajiriin Afrikaan ah oo dooni kula dagtay badda u dhaxeeya Libya & Italy


Sabti, Ogoosto 23, 2014 (HOL) — Dowladda Liibiya ayaa xaqiijisay dhimashada 20-ruux oo muhiimjiriin ah ,ka dib markii ay badda kula dagtay doon ay soo kasoo raaceen Tripoli, isla markaana ku sii jeedday xeebaha Talyaaniga.

“Waxaan helnay 16-ruux oo nool intii kale wali waa la la’yahay, waxaana socda baari-taanno aan ku baadi goobayno”ayuu yiri Abdel Latif Mohamed Ibrahim oo ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha dalkaas oo AFP la hadlay.

Masuulkan ayaa tilmaamay in biyaha laga helay maydka 20-ruux ,iyadoo baadi goob loogu jiro 170-kale oo kamid ahaa rakaabkii doonida saarnaa, waxaana kooxaha bad-baadinta ay wali ku howlanyihiin raadinta maydadka la waayay.

Illaa iyo bishii todobaad ee sanadkan boqolaal ruux dad lagu qiyaasay aya ku geeriyooday badaha u dhaxeeya Libiya iyo Talyaaniga, iyagoo doonaya in ay u sii gudbaan Yurubta kale si ay nolol fiican uga samaystaan.

“Dadkan geeriyooday waxaa loo badinayaa in ay ahaayeen Soomaaliya iyo Eritrea,“ ayuu hadalkiisa ku daray Latif oo ka gaabsaday inuu warbixin dheeri ah ka sii baxiyo khasaaraha ka dhashay doonidan.

Ugu danbayntii khamiisti la soo dhaafay kuluumaysato u dhalatay dalka Tunusia ayaa bad-baadiyay tiro dhan  75-ruux oo muhaajiriin ah, kuwaasi uu muddo shan bari ah dul-saarnaa dooni kula halaabtay badda dhexdeeda.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]