4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2014
Dowladda Imaaraadka Carabta oo ciidamo u tababaraysa dowladda Somalia


Sabti, Ogoosto 23, 2014 (HOL) — Dufcadii saddexaad ee ka tirsan ciidamada gaarka ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu qaaday dalka Imaaraadka Carabta, kaasoo ah mid heerkiisu heer sare ah sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Agaasime ku xigeenka madaxtooyda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Axmed oo ka mid ahaa madaxdii sagootisay ciidamadan ayaa warfidiyeenka u sheegay inay ciidankani yihiin qaybtii saddexaad ee tababar loogu qaado Imaaraadka, iyadoo horay loosoo tababaray labo duufcadood kala ahaa rag iyo dumar.

Sidoo kale, agaasime ku xigeenka madaxtooyada ayaa intaas ku daray in ciidankan tababarka kusoo qaadan doonaan dalka Imaaradka ay yihiin kuwo la doonayo inay ka mid noqdaan kuwo si gaar ah u ilaalin doona Villa Somalia.

“Ciidamadan waxaa la bari doonaa qaabka loo difaaco madaxda sare ee dowladda iyo ilaalinta dadka muhiimka ah,” ayuu yiri Cabdi Maxamed oo ku ammaanay dowladda Imaaraadka tababaridda ciidamada.

Dowlada Imaaradka Carabta oo ah dal ay Soomaaliya xiriir wanaagsan kala dhexeeyo ayaa haatan kawada dalka taakuleynta shacabka iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo ka mid ah dalalka haatan sida muuqata gacanta uga gaysta u gargaarida dadka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya