4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2014
Duqa Magaalada Hargeysa oo Soo Dhaweeyay Maayarka Jabuuti (SAWIRRO)


Sabti, Ogoosto 23, 2014 (HOL) — Maayarka Hargeysa, C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, ayaa shalay magaalada Hargeysa ku soo dhoweeyey dhigiisa magaaladda Jabuuti Xuseen Cabdilaahi.

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco iyo xubno ka tirsan wasiiradda ayaa madaarka Hargeysa ku soo dhoweeyey maayarka Jabuuti oo hogaaminaya wefti ay ku jireen fanaaniinta hidaha iyo dhaqanka  Canfarta Jabuuti.

Maayarka caasimada Hargeysa oo qolka nasashadda warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inay casuumad rasmi ah u fidiyeen maayarka Jabuuti si uu uga soo qaybgallo carwo caalami ah oo lagu qaban doonno magaaladda Hargeysa, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Aad ayaan uga mahad celinayaa maayarka Djabouti iyo ku xigeenka sidii ay u ajiibeen inay ka qayb galaan carwadan, socodkani waa kii labaad, waxaana hore u jirtay inaanu anagu hore u booqanay magaalada Djabouti halkaas oo aanu is fahan ka gaadhnay sida ay labadda magaallo u wada shaqayn lahaayeen,  waxaanu socdaalkani ku beegan yahay carwada ganacsi ee la qaban doono oo ay ka soo qayb gali doonaan wadamada jaarka ah oo ay Djabouti ugu horaysay, Yemeni ku xigto, waxaanan leeyahay waad ku mahadsan tihiin  inaad soo ajiibteen codsigayagii.”

Sidoo kale, Maayarka Djabouti Xuseen Cabdilaahi ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey iyo casuumadda uu maayarku u fidiyey, waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ku nimid marti qaad aanu ka helnay maayarka caasimada Hargeysa, si aanu uga qayb galno xaflada bandhig carweedka lagu qabanayo Hargeysa, aniga iyo waftiga aan hogaaminayo oo iskugu jira koox hido iyo dhaqan ah iyo maal qabeeno reer Djabouit ah, waxaanan aad ugu mahad celinaynaa  xukuumadda Somaliland, Maayarka caasimada iyo shacabka waxaanan leeyahay dadkii idiinku dhawaa ee jaarka ah ayaanu nahay, Anaguna haddii aanu carwo qabanayno mudnaanta koowaad waxa yeelanaya dadka reer Somaliland taasina waa balan.”

Weftigan waxa la socday kooxo fanaaniin ah iyo kooxo hidaha dhaqanka Jabuuti, kuwaas oo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay soo  socdaal ku yimaadaan magaaladda Hargeysa.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland