4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2014
Kooxda Kubadda Cagta ee Xiddigaha Ottawa oo lagu soo dhaweeyey Ottawa

Sabti, August 23, 2014 (HOL) - Kooxda kubadda cagta ee Xiddigaha Ottawa (Ottawa Stars) oo dhawawaan  ku  soo guuleysatey tartankii kubadda cagta ee Somali Week 2014, ayaa xaflad soo dhaweyn loogu sameeyey magaalada Ottawa.

Ciyaar-yahananda Ottawa Stars iyo macallinkooda ayaa casho-sharaf loogu sameeyey Albion Heatherington Community Centre, habeennimadii Arbacada oo ay taariikhdu ku beegnayd [ August 20, 2014].

Xafladda oo ahayd mid si aad ah loosoo agaasimey, waxaa kasoo qayb galay xubno ka socdey jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Ottawa, waxayna dhammaantood bogaadiyeen guusha Ottawa Stars maadaama ay sharaf magaaladooda usoo hoyeen.

Tartankaan oo xagaa kasta lagu qabto magaalada Toronto ayaa waxaa kama dambeysta ah ee finalka isugu soo baxay labada naadi ee kala ah Xiddigaha Ottawa iyo Naadiga Hillaac oo sanadkan labadooduba ciyaaro aad u wanaagsanaa soo bandhigay.

Labada kooxood waxaa dhex martay ciyaar aad u xiiso badneynd oo ay dadkii daawanayey si aad ah ula dhaceen, waxayna kusoo dhamaatay natiijo ah 3-2 oo ay guushu ku raacday Ottawa Starts.

Koobkan waxaa u tartamayey siddeed naadi, kuwaas oo kala ahaa: HILAAC, HAMILTON UNITED, DIXON, WINDSOR FC, XIDDIGAHA, OHIO, SEIF, OTTAWA STARS.

Tartanka kubadda cagta ee Somali Week, waxaa sanadkan 2014 maalgeliyey Hiiraan Online, Amal express, Somali Centre iyo Somali Old Timers.

Sanadkii hore ee 2013, naadi ka socda magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa qaaday koobka tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee Somali Week 2013.