4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2014
Ugaas Maxamed Sh. C/qaadir (Ugaas Shoole) oo Nairobi lagu soo dhaweeyay


Sabti, August 23, 2014 (HOL) - Xaflad soo dhaweyn ah, ayaa magaalada Nairobi loogu sameeyay Ugaas Maxamed Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamuud Shoole oo lagu naaneyso Ugaas Shoole, kana mid ah Ugaasyada Soomaaliyeed. Kaasoo 27-kii bishii June ee sanadkaan lagu doortay degmada Daarasalaam ee ka tirsan Gobalka Mudug.

Xaflada oo ka dhacday xaafada Eastleigh, ayaa waxaa ka qeyb galay Isimo, Culumo Owdiin, Odayaal Dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshad, waxaana soo dhaweyntaas ka hadlay qaar kamid ah wax garadkii ka qeyb galay.

Nabadoon Rabiic Cabdikariim Hirsi iyo Caaqil Yuusuf Maxamed Waceys, ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay Ugaas Maxamed Sheekh Cabdulqaadir “Ugaas Shoole” oo ah aqoonyahan da’yar, waxeyna Illahay oga baryeen inuu la garab galo xilka loo doortay.

Sidoo kale waxaa kamid ahaa dadkii madashaas ka hadlay Caaqil Maxamed Xasan Jabriil, Sheekh Qaalid Macalin Nuur, Nabadoon Cabdirisaaq Cabdulle Isxaaq, Abwaan Cali Dhoof, Cabdiqaasim Bur-Saliid iyo Maxamed Sheekh Yuusuf Direed oo dhamaantood ku hadlay afka Wax-garadka Soomaaliyeed.

Gaba-gabadii Xaflada ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyay Ugaas Maxamed Sheekh Cabdulqaadir “Ugaas Shoole” oo marka hore u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qeyb galay xafladaas iyo dadkii soo qaban-qaabiyay. Wuxuuna ugu baaqay shacabka soomaaliyeed in ay illaaliyaa midnimada iyo wada jirka.

“Dadka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa iney illaaliyaan midnimada dhexdooda ah, Illahay ha ka cabsadaan, shacabka Soomaaliyeed waxey u baahan yihiin midnimo iyo wada jir, ayuu yiri Ugaas Shoole.

Ugaas Maxamed Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamuud Shoole oo hada booqasho ku joogo wadanka Kenya, ayaa lagu wadaa inuu dhawaan dib ugu noqdo doono Somalia, halkaasoo ay ka dhici doonto xaflad lagu caleemo saaraayo Ugaaska.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya