4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2014
Madaxweynaha Kenya oo Taliye Cusub u Magacaabay Sirdoonka Waddankiisa

Sabti, Ogoosto 23, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa u magacaabay Jen. Philip Wachira Kameru madaxa cusub ee ciidanka sirdoonka Qaranka (NIS), kaddib markii uu si lama filaan ah isku casilay taliyihii hore ee ciidamada sirta Kenya, Michael Gichangi.

Guddoomiyaha baarlamaanka Kenya, Justin Muturi ayaa magacaabidda uga dhawaaqay baarlamaanka, iyadoo guddiga difaaca iyo xiriirka caalamiga ah ee baarlamaanka uu haysto 14 casho oo ay kusoo baaraan magacaabiddan dabadeedna wixii uga soo baxa ay dib ugu soo celiyaan baarlamaanka.

Kenyatta ayaa ku ammaanay Kameru in uu yahay ruux aqoon u leh howsha loo dhiibay, uuna soo shaqeeyay 36 sano, isagoo noqday agaasimaha sir-doonka millatariga Kenya sannadkii 2011-kii.

"Jen. Kameru waxa loo tirinayaa guushii laga gaaray xogtii sirdoon ee ay Kenya kasoo aruurisay Soomaaliya, taasoo keentay in ciidamadeennu ay qayb ka noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Kenya.

Magacaaabidda jeneraalkan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Al-shabaab ay kordhisay weerarrada ay ka geysanayso dalka Kenya, iyadoo dhawaan ay kooxdu ku dishay weerarro gaadmo ah in ka badan 100-qof oo Kenyan ah.

"Howlaha sirdoonku waa inuu hadda ka gun gaaraa caqabadaha cusub iyo kuwii hore ee uu dalku la kulmay," ayuu si cad u yiri madaxweynaha Kenya, isagoo intaas ku daray. "Jen. Kameru wuxuu khibrad u leeyahay arrimaha howlgallada iyo maamulka...Kartidiisa waxaa lagu soo tijaabiyay shaqada uu muddada dheer soo qabtay, iyadoo howlqabadkiisa iyo anshixiisuba ay ahaayeen heerka ugu sarreeya.”

Ugu dambeyn, Kenyatta ayaa sheegay in khibradda jeneraalka, aqoontiisa iyo hufnaan-tiisuba ay muujinayaan inuu istaahilo inuu hoggaamiyo sirdoonka isla markaana uu xoojiyo dadaallada xog-aruurineed dhanka sirta ah ee dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya