4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2014
Booliiska Kenya oo sheegay in qof ay qabteen bishan uu noqday Xasan Xanafi

Sabti, Ogoosto 23, 2014 (HOL) — Ruux Soomaaliyeed oo ay ciidamada sir-doonka Kenya qabteen horraantii bishan ayaa markii ugu horreysay qirtay inuu yahay Xasan Xanafi oo ah ninkii la raadinayay ee mas’uulka ka ahaa dilalka tiro wariyeyaal Soomaaliyeed ah, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal Kenyan ah shalay oo Jimco ahayd.

Ninkan ayaa tan iyo markii la xiray diiddanaa inuu yahay Xasan Xanafi, balse uu shalay oo Jimco ahayd sheegay inuu yahay ruuxa la doon-doonayo, uuna magaciisa saxda ah yahay, Yuusuf Xasan Cabdilsalaan Yuusuf.

Sarkaalkan booliiska Kenya ka tirsan oo diiday in magaciisa la sheego sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inuu arrintan kala hadlo warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Kenya ay qorsheynayso inay Xasan Xanafi gacanta u geliso dowladda Soomaaliya oo codsatay soo wareejintiisa si ay maxkamad u horkeento.

“Aad ayay u adag tahay inaan soo bandhigno aqoonsiga Xasan Xanafi, waayo wuxuu haystaa dhalashada Kenya,” ayuu yiri sarkaalka, isagoo ku daray hadalkiisa inaysan macquul ahayn in Soomaaliya laga heli karo aqoosi Kenyan ah sababo la xiriira labaatankii sano ee colaadaha ay ka jireen.

Sidoo kale, Xanafi ayaa qirtay inuu warqadaha aqoonsiga Kenya ku helay si hoose, isagoo xusay in tan iyo 14-kii bishii Maarso ee sannadkan uu Kenya ku sugnaa, si uu isaga daweeyo dhaawac kasoo gaaray duqeyn diyaaradeed oo dalka Soomaaliya ka dhacday sannadkii 2011-kii.

Booliiska Kenya aya sidoo kale sheegay in Xanafi uu sheegay inuu mas’uul ka ahaa dilalka wariyeyaal dhowr ah iyo dad kale oo shacab ah, ayna taasi tahay tan loo doon-doonayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in qabashada Xanafi ay ahayd mid ku timid iskaashi dhinaca sirdoonka ah oo dhexmaray sirdoonka Somalia iyo kuwa dalka Kenya.

Somalia ayaa ahayd sannadihii ugu dambeeyay meesha ugu khatarta badan ee ay ka howlgalan suxufiyiinta, iyadoo Yuusuf Keynaan uu ahaa wariyihii ugu horreeyay oo sannadkan lagu dilo Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab weli kama aysan hadlin in Xasan Xanafi oo ka mid ahaa saraakiisha lagu qabtay dalka Kenya iyo in kale, inkastoo dowladdu ay ku adkeysanayso in loo soo gacan-geliyo si ay maxkamad u horkeento.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya