4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2014
Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo qabsaday Tiyeegloow iyo Tuulooyin kale

Sabti, Ogoosto 23, 2014 (HOL) — Ciidamada dawladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa Al-shabaab ka qabsaday degmada Tiyeegloow ee gobolk Bakool iyo tuulooyin ku dhow sida uu sheegay mas'uul ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Xuddur, Maxamed Macallim ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada isbahaysanaya ay degmada iyo magaalooyin kale oo ka ku dhow ay qabsadeen iyagoo aan wax dagaal ah kala kulmin Al-shabaab, isagoo sheegay inay deegaannadaas ka baxeen markii ciidanku ay ku dhawaadeen.

“Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay ku guuleysteen inay si dhib yar Al-shabaab kaga saaraan Tiyeegloow iyo deegaanno ku dhow, kuwaas oo ay kooxda nabad-diidka ah gacanta ku haysay,” ayuu yiri Macallin.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay kuwo ay ku doonayaan inay gobolka oo dhan kaga saaraan Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox dhibaatooyin iyo dagaallo kawadda gobolka.

Al-shabaab ayaan weli ka hadlin qabsashada degmada Tiyeegloow iyo kuwo ku dhow oo ay kala wareegeen ciidamada dowladda, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli madaxda dowladdu ay sheegeen inay dhawaan ka billaaban doonaan dalka howlgallo lagu soo afjarayo Al-shabaab.

Dhanka kale, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee dalka Itoobiya ka socda ayaa kula dagaalamay Al-shabaab May-karebe oo u dhow degmada Garbahaarey ee gobolka ee gobolka Gedo.

Iska-horimaadkan oo ahaa mid xooggan ayaa yimid kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo doonayay inay gobolka isaga gudbaan.

Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay soo gaartay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo dadka dhaawacmay ay ku jiraan saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya