4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 23, 2014
Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka oo Siminnaar loogu soo Xiray Kampala


Sabti, Ogoosto 23, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tababar xildhibaanno baarlamanka ka tirsan tababar ugu soo xiray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Tababarkan oo mudo laba maalmood ah ka socday hoteelka Emperial Royale ayaa waxaa xafladdii xiirtaanka ka qaybgalay guddoomiyaha baarlamaanka, guddoomiye ku xigeenka labaad iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, agaasimayaal ka tirsan baarlamaanka iyo inta badan hay’adaha taageera baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad soo markii kulanku gaba-gaboobay faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay ayaa tilmaamay in si weyn la iskula eegay howlaha horyaalla baarlamaanka federaalka Somalia muddada labada sano ee soo socota iyo taageerrada looga baahan yahay hay’adaha kuwaasoo ah sidii ay gacan uga geysan lahaayeen qabsoomida howlaha adag ee horyaalla baarlamaanka Soomaaliya sannadaha soo socda.

Sidoo kale, Cawad ayaa ka hadlay diyaarinta qorshe howleedka kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka kaasoo hadda ay guddoonka baarlamaanku ku howlan yihiin, iyadoo lagu caddeynayo howlaha la qabanayo kalfadhigaas inta uu socdo.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in si gaar ah diiradda loogu saari doono kal-fadhiga shanaad in dalkan uu gaaro doorasho xor ah sannadka 2016-ka, taasoo uu xusay inay tahay yoolka ay higsanayaan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka oo goobta ka hadlay ayaa u sheegay xildhibaannadii tababarka loosoo inay horyaallaan howlo badan oo laga doonayo inay kasoo dhalaalaan, isagoo sheegay in howlaha yaalla iyo waqtiga harsan ay aad u badan yihiin howlaha horyaalla baarlamaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya