10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 25, 2014
Star FM oo billowday fariin lagu farayo Somalida inay ka shaqeeyaan Nabadda


Jimco, Abriil 25, 2014 (HOL) — Idaaacadda Star FM ee codka Waqooyi-bari Kenya ayaa billowday farriin lagu farayo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi inay nabadda ka shaqeeyaan.

Farriinta ayaa lagu weydiisanayaa bulshada Soomaaliyeed inay qayb ka qaataan dib u soo celinta nabadda iyo ammaanka Islii oo ay ku leeyihiin xarumo ganacsi oo waaweyn, kuwaasoo shaqadoodu yaraatay afartii toddobaad ee lasoo dhaafay oo ay howlgallo socdeen.

“Ogow haddii aadan nabadda ka shaqeyn, waxaad ka shaqeynaysaa colaadda. Aan si wadajir ah uga shaqeynno nabadda,” ayaa fariinta lagu sheegaa oo ka baxda idaacadda 10 jeer maalin walba.

Farriinta oo sii socota ayaa lagu yiri: “Codka aad hadda maqlayso waa mid aadan jeclayn inaad maqasho. Waxay caddeyn u tahay nabadgalyo-darrada. Nabaddu waa aasaaska nolosha… Nabad kula nooloow dariskaaga… Fariintan waxay idin kaga imaanaysaa Star FM, codka Waqooyi-bari Kenya.”

Idaacadda Star FM ayaa waxay xarummo ku leedahay dalka Kenya iyo Somalia qaybo ka mid ah, waana idaacad ay si toos ah u dhageystaan 65% Soomaalida ku nool dalka Kenya.

Sidoo kale, idaacaddu waxay afartii sano ee lasoo dhaafay furtay xarumo badan oo ku yaalla gobolka Waqooyi-bari Kenya iyo Somalia, iyadoo baahisa laamaha af Soomaaliga ee VOA-da iyo BBC-da. Waxayna maalin walba hal saac baahisaa afafka Sawaaxiliga iyo Booranta oo looga hadlo Kenya.

“Ujeeddadeennu waa inaan dadka isku keenno. Waxaan doonaynaa nabad mana doonayno nabad-darrada. Ganacsigu ma horumari karo nabad la’aan,” ayuu yiri Maxamed Cismaan ooo ah maamulaha idaacadda Star FM oo wareysi siinayay wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya.

Maxamed Cismaan wuxuu sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin aad u war badan, raadiyuhu waa kan looga faa’iideysan karo in fariimaha loo mariyo, waxaana baahinnaa dhaqanka nabadda, dulqaadka iyo wada noolaashaha.

Madaxa Star FM wuxuu xusay in fariinta ay baahiyaan ay tahay mid lagu doonayo in lagu bedelo dhaqanka fowdada ku saleysan, mana jirto dowlad iyo hay’ad naga caawisa.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo boqollaal Soomaali ah lagu qabqabtay howlgallo ay ciidamada ammaanka Kenya ka sameeyeen xaafadda Islii ee Nairobi oo ah xaafadda ay daggan yihiin Soomaalida ku nool magaaladaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya