Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay bandhig-dhaqan oo lagu qabtay Magaalada Konya ee Dalka Turkiga (SAWIRRO)
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Bandhig-dhaqameed ay kasoo qayb-galeen in ka badan
50-dowladoood ayaa ka dhacay magaalada qadiimigaa ee Konya oo ku taalla dalka
Turkiga. Bandhig dhaqameedkan ayaa loosoo agaasimay si layaab leh, iyadoo ay ka
dhex muuqdeen ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Turkiga Soomaalida
dalkaas ku nool.
Bandhig-dhaqameedkan oo dad kala duwan ay
hidahood iyo dhaqankooda kusoo bandhigeen ayaa ah mid sanadkiiba mar la qabto; waxaa
soo qaban-qaabisay hay’ad Islaami ah oo lagu magacaabo Mevlana Uluslararası
Öğrenci derneği.
Madax sare oo ka tirsan dowladda Turkiga
ayaa kasoo qaybgalay bandhigga wuxuuna socday muddo saddex maalmood ah;
waxyaabihii halkaas lagu soo bandhigayna waxaa ka mid ahaa cunnada ay
Soomaalidu caanka ku tahay ee canjeerada loo yaqaan.
Arrinta xusidda mudan ee soo jiidatay
dadkii kasoo qaybgalay bandhiggan ayaa waxaa wacdaro ay halkaas ka muujiyeen
arday iyo dadka Soomaalida ah ee ku nool mmagaalada Konya, iyagoo soo badhigay
ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaalida oo aad loo jeclaystay.
Ciyaaro dhaqmeedka Soomaalida ee lagu soo
bandhigay bandhiggaas ayaa waxaa ka mid ahaa: dhaantada oo ay aad ula dheceen
dhammaan dadkii ku sugnaa halka lagu qabanayay bandhiggan.
Sidoo kale, waxaa xusid mudan in dadka
Soomaaliyeed ay ku guuleysteen in ay kaalinta koowaad ka galeen bandhigga
taasoo sharaf weyn u soo jiidday guud ahaan Soomaalida ku nool dalka Turkiga iyo
Soomaalida oo dhan.
Fannaaniin Soomaaliyeed ee ku nool
magaalada Konya ee dalka Turkiga ayaa goobta ka qaadeen heeso waddani ah oo aad
ay ula dhaceen dadkii lagu casuumay bandhig-dhaqmeedkaas oo ay ku jireen kuwo
Turki ah.
Dalka Turkiga ayaa xilliyadii ugu
dambeeyay lagu qabanayay bandhigyo noocan oo kale ah, kuwaasoo ay noqonayso
markii ugu horreysay oo ay dadka Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ka qaybqaataan
ayna guulo waaweyn kasoo hoyeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya