Hay’adda Shaqada Adduunka ILO oo Muqdisho ka furtay kulan lagu hadlayo Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed (SAWIRRO)
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Hay’adda shaqada adduunka ee ILO ayaa maanta ka
furtay magaalada Muqdihso kallan looga hadlayo horumarinta ganacisga Haweenka
Soomaaliyeed, kaasoo dib loogu eegayo horumarada laga sameeyay ganacsiyo yar-yar
oo horay loogu furay haween danyar ah oo Soomaaliyeed.
Kulankan oo socon doona muddo laba maalmood
ah ayaa furitaankiisa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta ka socday hay’adda
ILO iyo ururka Midowga Yurub oo maalgelinayay tababarradii loo sameeyay haweenka
ganacsatada Soomaaliyeed.
Madaxa hay’adda samafalka ee HRD, C/llaahi
Yuusuf oo ka mid ah hay’adihii horay u fuliyay tababarrada haweenka ganacsatada
ah iyo maalgelintooda oo furtay tababarkan ayaa sheegay in kulankan uu ku
saabsan yahay sidii loo oglaan lahaa waxyaabihii u qabsoomay haweenkii
ganacsiga loo furay iyo kuwii la tababaray.
Sidoo kale, furitaankii kulanka waxaa ka
hadlay C/llaahi Axmed Garuun oo ka mid ah culummada Soomaaliyeed, isagoo ka
sheekeeyay diinta Islaamka iyo ganacsiga haweenka, wuxuuna xusay in haweenku ay
tiir dhexaad u yihiin qoyska iyo bulshada caalamka.
Maryan Maxamed Cilmi oo ka socotay ururka
ganacsatada haweenka Soomaaliyeed oo hadal ka jeedisay kulanka ayaa sheegay in
ururkooda uu xarumo kala duwan ku leeyahay dalka oo dhan, ayna maalgeliyaan
haweenka aan shaqooyinka haysan, si ay u hesho shaqo ay ka hesho nolol
maalmeedka qoyskeeda.
Agaasimaha waaxda haweenka iyo caruurta ee
wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, Maxamed Cumar Nuur oo isaguna goobta
ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu ay soo dhaweynayso dadaal walba oo lagu
xoojinayo horumarinta haweenka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in baritaan dhawaan
la sameeyay lagu ogaaday in 61% ay bulshada Soomaaliyeed yihiin haween.
“Maadaama bulshada ay inteeda badan noqdeen
haween waa lagu qasban yahay in la xoojiyo awoodda haweenka ee dhinacyada waxbarashada
iyo ganacsiga, si dalkan uu u noqdo mid horumar dhaqso ah sameeya,” ayuu yiri
agaasimaha oo hadalkiisa ku daray in wasaaradda haweenku ay bisha December ee
sannadkan ka sameyn doono degmooyinka Muqdisho xarumo lagu xanaaneeyo dadka
bulshada ugu jilicsan sida caruurta, haweenka iyo dadka xanuunsan.
Intaas kaddib waxaa kulanka ka hadlay wakiillo
ka socday Midowga Yurub iyo ILO, kuwaasoo ka koobnaa afar ruux oo kala ahaa
laba dumar ah iyo laba rag ah, waxayna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin
inay kluanka kasoo qaybgalaan ayan arkaan barnaamij ku saabsan xoojinta haweenka
Soomaaliyeed.
Emily Gallaway oo ka socotay ILO ayaa
sheegtay in hay’adooda ay ka go’an tahay inay qayb weyn ka qaadato sidii lagu
xoojin lahaa ganacsiga haweenka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ururkooda uu
lasii shaqeyn doono ganacsatada haweenka Soomaalida.
Dhanka kale, Francesca Pawarini oo
iyaduna ka socday Midowga Yurub oo ka hadashay kulanka ayaa sheegay in
ururkeedu uu la shaqeeyo ururro badan oo Soomaaliyeed, ayna ka go’an tahay inay
qaataan talooyinka kasoo baxa kulammada noocan oo kale ah, ayna ka dhabeyn
doonaan ballanqaayada ay sameeyaan oo dhan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya