4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2013
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukunno kala Duwan iyo Ganaax lacageed dul dhigtay Eedeysanayaan la horkeenay

Sabti, Maarso 16, 2013 (HOL) — Maxkmadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku xukuntay xabsiyo kala duwan iyo ganaax lacageed saddex qof oo lagu soo kala eedeeyay dambiyo kala duwan, iyadoo toddoba qof oo kale dib loo dhigay xukunnadooda.

Eedeysanayaasha la xukumay oo kala ahaa laba rag ah iyo haweeney ayaa lagu helay dhammaan dambiyadii lagu soo eedeeyay sida uu saxaafadda u sheegay garsooraha maxkamadda Xaashi Cilmi Nuur.

Saddexda qof ee la xukumay ayaa waxay kala ahaayeen: Cabdullaahi Xaaji Cismaan oo lagu soo eedeeyay kufsi ayaa lagu xukumay 15-sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 15-milyan oo shillin Soomaali ah, sidoo kale, Nafiso Maxamed Axmed oo lagu ehelay inay daroogo ayaa iyadana lagu xukumay 15-sano oo xabsi ah iyo 15-milyan oo ganax lacageed ah, halka Maxamuud Maxamed Nuur  oo ku eedeysnaa caasi-waalideynimo isagana lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah iyo saddex milyan oo ganaax ah.

Garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in xukunnadan loo cuskaday sharciga dalka iyo diinta Islaamka, isagoo intaa ku daray in dambiilayaasha la xukumay dhammaantood lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Sidoo kale, toddoba qof oo iyaguna ku eedeynaa dambiyo madani ah ayaa dib loo dhigay xukunkooda, kaddib markii la sheegay inaan loo helin markhaatiyaal ku filan, iyadoo la sheegay in dhawaan lagu soo celin doono maxkamadda.

Maxkamdda gobolka Banaadir ayaa inta badan ridda xukunnada ku saabsan madaniga, iyadoo tan iyo sannadkii hore xukuntay eedeysanayaan kala duwan oo lagu soo eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin mukhaadaraadka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya