4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2013
Urur ay leeyihiin Ardayda Wax-ka-barta Jaamacadda Nugaal oo Laascaanood ku Qabtay Munaasabaddii 2-aad ee Aasaaskooda


Jimco, Maarso 15, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegtey aasaaskii urur lagu magcaabo Nusget oo ay leeyihiin ardayda jaamacadda Nugaal ayaa lagu soo bandhigay tallaabooyin isugu jira horumarin iyo wacyigelin.

Munaasabadda oo ay kasoo qayb-galeen mas’uuliyiinta jaamacadda Nugaal, bahda waxbarashadda, ururrada waddaniga ah, ganacsatada iyo dadweyne kala duwan ayaa waxaa warbixin soo jeediyay guddoomiyaha jaamacadda Nugaal, Dr. C/risaaq Lafoole oo tilmaamay tallaabooyinka uu ururkani ku tallaabsaday muddadii labadda sano ahayd ee uu jiray.

Dr. Lafoole wuxuu aad ugu dheeraaday xiriirro ay la sameeyeen jaamacaddo kala duwan oo caalamka ah iyo kuwo u soo diray macallimiin iyo kuwo kale oo u ballanqaaday wixii ardayda raba inay aqoontooda kororsadaan in gacan ay siin doonaan.

Guddoomiyaha ganacsatadda gobolka Sool, Cabdirisaaq Axmed Warsame oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay urur ahaan inay aad ula dhacsan yihiin tallaabooyinka ay qaadeen ardayda iyo sida ay bulshada ugu soo celiyeen waxyaabaha ay uga baahan yihiin cilmi iyo waxqabadba, isagoo ballan-qaaday in ganacsato ahaan ay ku caawin doonaan wixii uga baahdaan.

Sidoo kale, waxaa halkaas hadal kooban ka jeediyay madaxa hay'adda NPA, Shukri Xasan Badha-badha oo sheegtay in hay’ad ahaan aanay sameynayn ballanqaad, balse shaqsi ahaan ay qaybteeda ka qaadan doonto caawinta ururkan.

Ardyda jaamacadda Nugaal ayaa halkaasi kusoo bandhigay ruwaayad ay ku eegayaan isbedelka dhaqankii hore iyo dhaqanka haatan, iyadoo lagu xardhay hoolka jaamacadda l agabkii aqal-Soomaaliga loo adeegsan jiray.

Dadweynaha ku nool magaalada Laasocaano ayaa aad us oo dhaweeyay Ururka NUSGET; iyadoo looga bartay mudadii ay jireen hawlo ballaadhan oo bulshada danteeda iyo bilicda magaaladaba ay ku jireen.

Ardaydan waxay nadaafad ka qabtaan bi lkasta iyo maalin kasta meel ka mid ah magaalada iyagoo kaashanaya bulshada deegaanka iyo ganacsatada, waxaa kaloo dhirayn ay ku sameeyeen meelo magaalada Laascaanood ka mid ah, waxay sameeyaan barnaamijyo wacyigelin ah oo ay dadka kala taliyaan dhaqaalaha iyo caafimaadka.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool