4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2013
Ururka Xawaaladleyda Soomaalida ee Mareykanka oo Codsi u Diray Dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya

Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Sannad ka hor ayey ahayd markii bangiyada dalka Mareykanku ay ku dhawaaqeen in aysan la shaqeynaynin xawaaladaha Soomaalida, islamarkaasna ay xireen guud ahaan xisaabaadkii iyo koontooyinkii ay ku lahaayeen, iyagoo xiligaasi ku andaacoonayey cabsi ay ka qabaan in lacagta fara badan ee xawaaladuhu u diraan gudaha Soomaaliya ay ku dhacdo gacan qaldan ama tan kooxda Al-shabab oo ay dowladda Mareykanku u aqoonsan tahay argagixiso.

Go’aankaasi ay qaateen baananka Mareykanku ayaa saameeyey howl-maalmeedkii xawaaladaha Soomaalida, kuwaasi oo qaarkood irdaha loo-laabay, halka kuwo kalana ay wali si gaabis ah ku shaqeeyaan, iyagoo isticmaalaya bangiyo yaryar oo aan si buuxda u dabooli-karin baahidooda shaqo. Wixii xiligaasi ka dambeeyey waxaa soconayey kulamo iyo dibad-baxyo ay dhigayeen bulshada Soomaalidu, kuwaasi oo ay ku dalbanayeen in bangiyada lagu cadaadiyo in ay ka laabtaan xayiraaddii ay xawaaladaha saareen, hase ahaatee ma jirto wax horumar ah oo arrintasi laga sameeyey, sida ay sheegayaan madaxda xawaaladuhu.

Urur ay ku mideysan yihiin xawaaladleyda Soomaalida Mareykanka oo lagu magacaabo SAMSA (Somali-American Money services Association), kaasi oo la sameeyey bilowgii ay xaaladdaan soo ifbaxday ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaa ay sheegeen in uusan jirin wax horumar ah oo laga sameeyey dhibaatadii howlgabnimada ahayd ee ku dhacday xawaaladaha ka shaqeeya Mareykanka, hase ahaatee muddadii sanadka ahayd ee ummuurtaan ay taagneyd la sameeyey dadaal fara badan oo ku aadan sidii xal lagu heli lahaa.

Xirsi Suleymaan, oo ah gudoomiyaha cusub ee ururkaan ayaa HOL u sheegay in ay wada-xaajoodyo fara badan la galeen dhinacyo kala gadisan oo ay arrintaan qusaysay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin madax ka tirsan dowladda dhexe ee Mareykanka, sida wasaarada dhaqaalaha, saraakiil ka tirsan aqalka cad ee dalka looga taliyo, madaxda bangiyada, hase ahaatee guud ahaantood aan wax miro-dhal ah laga gaarin.

“Runtii dadaal fara badan ayaan sameynay, waxaana dadaalkaasi ku doonaynay in arrintaan xal loo helo, waase shaqeyn weyday. Waxaan doonayaa in aan si gaar ah ugu mahadceliyo guud ahaan bulshada Soomaalida oo na garab istaagay waqtigii dhibka badnaa ee aan soo marnay, waxaanse leeyahay wali howshu ma dhawa ee yaan la quusan,” ayuu yiri Saciid Axmed Maalin, oo isna ka tirsan SAMSA.

Ururkaan ay leyihiin shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka ka shaqeeya ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ka codsaday in ay gacan ka siiso sidii wax looga qaban-lahaa dhibaatada soo wajahday, gaar ahaan in ay dowladda Mareykanka arrintaan kala hadasho, “maadaama dowladda Soomaaliya uu haatan caalamku aqoonsaday”.

“Anigoo u mahadcelinaya dadkii ururadii iyo shaqsiyaadkii Soomaaliyeed ee nagu gacan-siiyey intii aan howshaan ku guda jirnay, sidoo kale waxaan ugu baaqayaa in shacabka Soomaaliyeed in aan wali la quusan, oo aan dadaalka sii wadno,” ayuu yiri Faysal Warfaa, oo ka mid ah xubnaha ururkaan.

Ma cadda ilaa inta ay markale sii-socon karto shaqada gaabiska ah ee xawaaladaha Soomaalidu ay ku leedahay dalka Mareykanka, sababo ay ka mid yihiin bangiyada ay lacagaha ku gudbinayaan oo ah kuwo yar-yar, marka loo eego baanankii horay ula shaqeyn jirey iyo waliba cabsidii kuwii hore ku qasabtay in ay xawaaladaha xiriirka u jaraan oo aan wali dhammaan.

Soomaalida ku dhaqan wadanka Mareykanka ayaa la tilmaamaa in ay sanadkasta dib ugu diraan gudaha dalkooda in ka badan 100 milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah, lacagtaasi oo qeyb weyn ka qaadata dhaqaalaha wadanka soo gala iyo noloshada dad badan oo danyar ah.

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota