4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2013
Musharaxii ugu Horreeyey ee isku soo taaga xilka Madaxtinimo ee Puntland oo Gaalkacyo lugu soo dhaweeyey (SAWIRRO)


Sabti, November 16, 2013 (HOL) — Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Xasan (Gablax) oo ah murashaxii ugu horreeyay ee ku dhawaaqa inuu murashax u yahay doorashada madaxnimo ee Puntland ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Soo dhaweynta musharraxa waxaa ka qayb-galay qaybaha bulshada ee ku nool Gaalkacyo, kuwaasoo isugu dhafnaa nabaddoon, odaayal, aqoon-yahanno, dhallinyaro, haween iyo qar ka mid ah ardayda wax ka barta dugsiyada magaalada Gaalkacyo.

Gablax ayaa saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradda C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, isagoo u mahad-celiyay dhammaan qaybihii bulshada ee soo dhaweeyay oo uu sheegay in wax lugu farxo ay tahay in dadweyanha reer Gaalkacyo ay isgu soo baxan soo dhaweyntiisa, wuxuuna tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay duufaantii ku dhaufatay deegaanno Puntland ka tirsan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

"Aad ayaan uga mahad-celinaya shacabka Gaalkacyo ee maanta isugu soo baxay soo dhaweynteyda, waana wax lugu farxo inaan maanta Gaalkacyo soo gaaro. Runtii aad ayaan uga xumahay wixii ka dhacay qaybo ka mid ah gobollada Puntland; waayo roobabkii waxay saameyn ku yeesheen shacab masaakiin ah, waana ka tacsiyeynaya waxaana ku baaqaya in cid kasta oo arrinta gacan ka geesan karta ay wax ka qabato," ayuu yiri Gablax.

Musharraxa ayaa waxaa loosoo gudbiyay guddiga magaalada, waxaana inta uusan gaarin hoygiisa uu booqosho uga tagay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mid ah Isimada Puntland, halkaasoo uu ku dhexmaray kulan kala war qaadasho ah.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Xasan (Gablax) ayaa ka mid ahaa xubnihii siyaasiyinta ahaa ee kasoo horjeestay nidaamkii lagu doonayay in looga hir-geliyo Puntland hannaankii xisbiyada badnaa, wuxuuna uu xubin ka ahaa xubnihii ugu horreeyey ee sida cad ugu dhawaaqay in hannaanka haddii la hakiyo uu isku soo taagi doonna hoggaanka Puntland.

Hiiraan Online, Gaalkacyo