4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2013
Madaxweynaha Puntland oo Maanta gaarey qaar ka mid ah Deegaanadii ay Dhawaan ku dhufatay Duufaantii Xoogganayd

Sabti, November 16, 2013 (HOL) —
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa maanta gaarey tuulada Qarxis oo ka tirsan gobolka Nugaal kana mid ah deegaanada ay khasaaraha ugu badan ka geysteen roobabkii duufaanta watey ee dhowr beri kahor ka da'ay gobollada Karkaar, Gardafuuy iyo Nugaal.

Ujeedada socdaalka wefdiga uu Madaxweyne Faroole horkacayo ayaa ah sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladda deegaannada ay duufaantu saameysay, islamarkaana qiimeyn ugu soo sameyn lahaayeen baaxadda khasaara dhacay, si dadka tabaaleysan loo caawiyo.

Tuulada Qarxis iyo dhulka miyiga ah ee ku hareeraysan oo keliya, waxaa tirakoobyo hordhac ah oo la sameeyey lagu ogaadey in ay joogaan 500 qoys oo xoolo dhaqato ahaa, kuwaasoo ay duufaantu cayraysay, kaddib markii ay dishey xoolihii ay dhaqan jireen.

Gurmad Xooggan oo Socda

Guud ahaan deegaanada Puntland waxaa ka socda dadaal xooggan oo ku aadan sidii gurmad loogu fidin lahaa dadkii ku cayroobey duufaantii dhowr beri kahor ku dhufatay deegaanno ka tirsan gobollada Nugaal, Karkaar iyo Gardafuuy.

Guddiyo dowladdu u xilsaartay arrintan iyo kuwo iskood isu abaabulay oo qaybaha kala duwan ee bulshada ka kooban,  ayaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey ku hawlanaa sidii loo caawin lahaa dadka ay duufaantu waxyeelaysay. Baahiyaha ay dadku qabaan waxaa ugu waaweyn: cunto iyo hoy la'aan.

Dhinaca kale waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe maanta kasoo degey labo diyaaradood oo sidey gargaar isugu jira: dhar, cunto daawo iyo agab kale, kaas oo ka yimid dhinaca dalka Itoobiya. Sidoo kale shalay waxaa magaalada Garoowe soo gaarey labo diyaaradood oo ka kala yimid dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Cabsi Laga Qabo in Cudurada Faafaa ay Meelaha Qaar ka Dillaacaan

Boqollaal qoys ayaa xoolo beelay, waxaana deegaanada qaar ka jirta khatar caafimaad, maadaama kumannaan neef oo bakhti ahi ay dooxooyinka iyo togagga yaallaan.

Tirada xoolaha bakhtiyey oo lagu qiyaasay in ka badan 10,000 oo neef, waxaa socda dadaal ku aadan sidii loo gubi lahaa, si looga fogaado khatar dhanka caafimaadka ah oo timaada iyo weliba in meelaha qaar ay cudurada faafaa ka dillaan.

Howshan ayaa shalay ka bilaabatay deegaano hoos taga degmada Bayla ee gobolka Karkaar iyo deegaano hoos taga degmada Dangaroyo, halkaas oo ah meesha ay duufaanta ku laysay dadka iyo duunyada ugu badan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya