4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2013
Ururka Islaax oo Baaq ka soo Saaray Khilaafka Madaxda Sare ee Dowladda, kana hadlay Duufaantii ku dhufatay Puntland

Sabti, November 16, 2013 (HOL) — Ururka diimeedka Islaax ee Soomaaliya ayaa sheegay inay aad uga murugsan yihiin musiibadii ku dhufatay qaar ka mid ah deegaannada Puntland, taasoo sababay dhimasho isugu jirta dad iyo xoolo fara badan.

Islaax ayaa shegay in deegaannada duufaantu waxyeellada u geysatay ay u baahan yihiin in gargaar deg-deg ah lala gaaro, maadaama dadka ku haray ay dhowr casho ku jireen xaalado kala duwan.

“Ururka Islaax wuxuu ugu baaqayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed in walaalahooda dhibaataysan ay la gaaraan kaalmo deg-deg ah. Sidoo kale, wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamku inay gargaar u fidiyaan dadkaas ay duufaantu waxyeelleysay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ururka oo uu ku saxiixnaa guddoomiyahooda Dr. Cali Baashir Cumar Rooraaye.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin khilaafka soo dhexgalay madaxweyanah iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in khilaafkaas si dhaqso ah oo hoose lagu xalliyo.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay maraysaa marxalad xasaasi ah, oo baahi wayn loo qabo in dadaalka la isugu geeyo taabbo-gelinta Qarannimada Soomaaliya. Xilliganoo ay Qaranka Soomaaliyeed horyaallaan hawlo badan, waa wax laga naxo in khilaaf soo shaac baxo,” ayaa lagu yiri warka ururku uu soo saaray.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in khilaafku wuxuu wiiqi karo dadaallada lagu doonayo in dib loogu dhiso hay’adaha dowladda iyo weliba nidaamka iyo hanaankii dawladnimo; wuxuuna dhaawacayaa gabi ahaan taageeradii beesha caalamku u yaboohday ummadda Soomaaliyeed.

“Haddaba, ururka Islaax wuxuu ku baaqayaa in khilaafka lagu dhameeyo wadahadal iyo walaaltinimo, danta guud ee ummaddana laga hormariyo danaha gaarka ah. waa in laga digtoonaado in khilaafku sii jiitamo ama ragaadiyo dib-u-soo-celinta hanaankii dawladnimo. Sidaa darteed, waa in deg-deg loosoo af-jaraa khilaafka. Waa in maskaxda, maalka iyo muruqaba la isugu geeyaa taabbo-gelinta Qarannimada Soomaaliya iyo in dib loo dhiso Soomaaliya sharaf iyo karaamo iyo kaalin wax ku-ool ah ku leh caalamka oo dhan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya