4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2013
Al-shabaab oo Deegaannada ay ka Taliso ka Mamnuucday Isticmaalka Qaar ka mid ah Taleefoonnada Gacanta ee Mobiles-ka


Sabti, November 16, 2013 (HOL) —Al-shabaab ayaa la sheegay inay ka qaar ka mid ah deegaannada ay ka taliso ka mamnuucday isticmaalka taleefoonnada gacanta ee Mobiles-ka loo yaqaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin Samsung Galaxy, IPHONE iyo Black bury.

Warbaahinta qaarkeed ayaa baahisay in amarkan la saaray dadka ku nool degmooyinka Baraawe, Buula barde iyo Ceel-buur oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada hoose, Hiiraan iyo Galguduud.

Xoogagga  Al-shabaab ayaa la sheegay inay dadka weydiinayaan Mobile-ka ay adeegsadaan ama isticmaalaan, iyadoo digniin culus la siinayo dadka ay caddaato inay isticmaalaya taleefoonnada casriga.

Al-shabaab ayaa rumeysan in taleefannada casriga ah ay yihiin aalado wax lagu basaaso oo ka dhan ah muslimiinta. Waxayna kooxdan rumeysan tahay in taleefoonnadaas lagu hagi karo howlgallada ay reer galbeedku ka fuliyaan goobaha ay Al-shabaab ka taliso.

“Saddax wiil oo dhallinyarro ah ayaa ii soo galay farmashiyaheyga kuwaas oo arkay Mobile Samsun Galaxy ah aan isticmaalayay, waxayna i amreen in aan ku wareejiyo si dhakhso ah ayay baaritaan ugu billaabeen,” ayuu yiri Faarax oo ka mid ah dhallinyarada ku nool magaalooyinka amarkan lagu soo rogay.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii ay ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ay ku qaadeen guri ku yaalla xeebta Baraawe ayay muujinaysay kooxdan foojignaan dheeraad ah oo ay kaga hortagayaan inay weerarro kale ka dhacaan degmadaas.

Dadka ku nool magaalooyinka ay ku xooggan tahay Al-shabaab ayaa inta badan la kulma cadaadis adag oo ka imaanaya Al-shabaab oo adkeyneysa ammaanka deegaannada ay gacanta ku hayso.

Al-shabaab ayaa ka talisa deegaanno badan oo ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay kasoo abaabulaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada dowaldda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afriak ee AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya