4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2013
CAYAARAHA CECAFA 2013: Xulka Soomaaliya oo ku Aaday Xulal Adag oo ka socda Dalalka Zambia, Tanzania iyo Burundi

Sabti, November 16, 2013 (HOL) — Xulka kubadda cagta Qaranka Somalia ayaa ku qayb noqday xulalka adag ee dalalka Zambia, Tanzania iyo Burundi kaddib markii maanta la sameeyay isku aadka ciyaaraha Qaramada bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA Senior Challenge Cup, kaasoo lagu qaban doono dalka Kenya.

Xafladdii isku aadka ciyaarahan oo ka dhacay magaaladda Nairobi ayaa waxaa xulkennu nasiib u helay inuu qeybta B ciyaar wadaag kula noqdo dalalka adag oo ay sareyso xirfadooda ciyaaraha marka loo eego geeska iyo bariga Africa.

Dalka Kenya ee martigalinaya ciyaarahan ayaa ku qeyb noqday dalalka Ethiopia, Zanzibar iyo South Sudan, halka xulka koobka difaacanaya ee Uganda uu foodda dari doono dalalka Eritrea, Rwanda iyo Sudan.

Ciyaarahan ayaa billaabanaya 27-ka bishan, iyagoo socon doona ilaa December 12, 2013.

Dhinaca kale tababaraha xulka Soomaaliya Maxamed Cabdulle Farayare ayaa todobaadkii hore magacaabay 29 ciyaaryahan ee Soomaaliya ku matali doona tartankaas, kuwaas oo xilligan tababar ku sameynaya magaaladda Muqdisho.

“Waxaan soo xulay 29 ciyaaryahan, waxaana sameyn doonaa wax kasta oo ay natiijo wanaagsan uga keeni karaan ciyaarahan” ayuu yiri Farayare.

Liiska Ciyaartooyda Xulka Soomaaliya.

01. Jibril Hassan Mohamed

02. Saa’id Salah Hussein

03. Deeq Abdullahi Nur

04. Ahmed Abdullahi Moallim

05. Ahmed Abdulkadir Dayib

06. Muhsin Sharif Abdalla

07. Hassan Ali Roble

08. Hassan Hussein Ibrahim

09. Baasi Mohamud Bana

10. Adil Nur Ali

11. Mahmoud Abdi Nur

12. Daud Abdullahi Hassan

13. Adan Hussein Ibrahim

14. Mohamed Hassan Ali

15. Ahmed Osman Abdulle

16. Mahad Mohamed Haji

17. Said Mohamed Sheekh

18. Hassan Sidow Hilowle

19. Hamsa Mohamed Muqtar

20. Bile  Mohiyadin Burale

21. Dadir Amin Ali

22. Shafi’i Abdi Farah

23. Mohamed Tahlil Shidane

24. Abdishakur Mahmoud Mohamed

25. Mohamed Nur Abdi

26. Yasin Ali Egal

27. Mohamed Abdi Hayow

28. Sidi Mohamed Omar

29. Ahmed Tahlil Ali

Farah Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota