4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2013
Madaxweyne Siilaanyo oo Tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland (SAWIRRO)


Sabti, November 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalilad, Axmed Max'ed Max'uud (Siilaanyo) ayaa shalay tobabar u soo xidhay cutubyo ka tirsan ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland oo tobabarayeen khuburo ka tirsan saraakiisha ciidamada badda ee Ingiriiska.

Weftigan balaadhan ee uu hogaaminayo madaxwaynaha Somaliland ayaa ka hor intii aanay u kicitimin dhinaca badda ee uu ciidamada tababarka ugu soo xidhmayey, waxa uu kormeer ku soo mareen xaafadihii ay waxyeelada u gaysteen roobabkii ka da’ay magaaladda Berbera oo barakiciyey ilaa shan boqol oo qoys.

Madaxweynaha ayaa booqday xaafada Barqo San oo ku taala dhinaca koonfureed ee magaaladda Berbera oo ka mi ahaa meelaha ay si aadka ah khasaaraha balaadhan ugu gaysteen roobabku, waxa kale oo uu booqday Dugsiga sare ee Bursade oo ay degan yihiin dad gaadhaya ilaa shan boqol oo qoys oo ku barakacay roobabka,kuwaasi oo isugu jira qaar ay roobabku guryohoodii dumiyeen iyo kuwo ay biyo ka buuxiyeen.iyada oo ay halkaasi madaxwaynaha warbixino la xidhiidha khasaaraha ay roobabku u gaysteen ku siiyeen maamulka gobolka iyo ka degmadda Berbera. waxaanay masuuliyiintu uga warameen madaxwaynaha sidii ay ugu gurmadeen dadkaasi iyo weliba sida ay ugu baahan yihiin gargaar kale.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa sheegay in ay xukuumadu gacan ka gaysan doonto sidii dadkaasi wax loogu qaban lahaa, waxaanu balan qaaday in ay dawladu diyaar u tahay in ay caawiso guud ahaanba dadka ku nool Somaliland ee ay waxyeelada u gaysteen roobabku gaar ahaana kuwa ku nool degmada Berbera.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Waxaanu madaxweynuhu gaadhsiiyey deeq raashin iyo agab kale iskugu jirta, kuwaas oo ka koobnaa 1,400 oo kiish iyo 700 oo Cawo iyo Bustayaal ah u qaybiyey dadkii danyarta ahaa ee halkaasi daadadku ku waxyeeleeyeen.

Intaasi ka dibna waxa uu madaxweynuhu soo xidhay Tababar Ciidamda Bada Somaliland siiyeen ciidamada Bada Ingiriiska ee loo yaqaan ROYAL FLEET AUXILLIARY, Ciidamadaas oo madaxweynaha ku Casuumay Markab dagaal oo taagnaa dekeda Berbera loona yaqaan RFA MOUNTS BAY Guudkiisa, waxaana madaxweynaha ku wehelinayey Casuumadaasi Maamulka gobolka Saaxil, Wasiiro xukuumada ka tirsan, Saraakiisha Ciidamada Qaranka ee kala Duwan, Saraakiil ka socda Madaxtooyada, Dhinaca Ingiriiskana ay ka socden Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Ambassor Neil Wigen iyo Safiirka u fadhiya  Ingiriiska Adis-ababa  iyo Kenya oo ay wehelinayaan Saraakiil Sar sare oo ka tirsan ciidamada Ingiriiska ee bada.

Halkaasi waxa hadalo ka soo jeediyey madaxeynaha, taliyaha ciidanka Badda iyo saraakiil iyo khuburo ka socda ciidamadda Badda ee dalka Britain oo ka waramayey taariikhda u dhexeysay Somaliland iyo Britian iyo kaalinta dawladda Ingiriisku ka qaadato horumarinta Somaliland.

Intaas ka dibna Waxa Madaxweynaha casuumad qaddo sharafeed loogu sameeyey Markabka gudihiisa, kuwaas oo ka  wada hadleen xubnihii la socday Markabkaasi xidhiidhka labadda dhinac Ingiriiska iyo Somaliland iyo  sidii ay wada jir ula Dagaalami lahaayeen Budhcad Badeeda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland