4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2013
Musharax C/weli Gaas oo Beeniyay in uu Aflagaado u Geystay Madaxdii soo martay Maamul Goboleedka Puntland (SAWIRRO)


Sabti, November 16, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, ahna murashax u tagaan xilka madaxweynimo ee Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo kulan la qaatay qaybaha bulshada ee ku nool Gaalkacyo ayaa beeniyay inuu aflagaadeeyay madaxdii soo martay maamulka Puntland.

Musharraxa ayaa khudbaddiisa ku sheegay in hadalladaas ay faafiyeen dad dano siyaasadeed ka leh Puntland, isagoo warbaahinta ugu baaqay inay ka taxadaraan wararka ay baahinayaan inta lagu jiro doorashada maadaama buu yiri la is qaldi karo ama gafaf la isku geysan karo.

”Aniga madaxdii soo martay hoggaanka Puntland waxay iga mudan yihiin qadarin iyo ixtiraam weyn, mana i qabato inaan sharaftooda wax u dhimo,“ ayuu yiri Gaas, isagoo madaxii Puntland mid-mid u soo hadal qaaday kana sheekeeyay qiimaha ay agtiisa ku leeyihiin.

Gaas ayaa dhanka kale si durugsan u faahfaahiyay baahiyaha u muuqda in uu buuxin doono haddii uu doorashada kusoo baxo, wuxuuna tusaale u soo qaatay arrimaha amniga iyo raadinta midnimada shacabka Puntland.

“Waxaan ku dadaalayaa inaan raadiyo midnimada Puntland, sidoo kale waxaan dhisi doonaa kaabayaasha dhaqaalaha,”' ayuu Gaas mar kale ku sheegay khudbaddii uu jeediyay.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa sidoo wuxuu carrabka ku dhuftay in mashaariic badan oo uu u soo jiidday dalka muddadii uu kasoo shaqanayay dawladihii KMG ahayd ee u dambeysay.

Dhanka kale, dhammaan nabaddoonnadii iyo waxgaradkii kulanka ka hadlay ayaa cod dheer ku taageeray murashax C/weli Gaas, iyagoo sheegay inay dadaal xooggan u galayaan sidii uu kursiga ugu fariisan lahaa.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa intii uu socday waxaa si qoto dheer la iskula soo qaaday musiibadii rabbaaniga ahayd ee dhawaan ka dhacday Puntland taasoo geystay dhibaatooyin mowd iyo maalba leh.





Hiiraan Online, Gaalkacyo