4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 15, 2013
Musharax Dr. Shire Xaaji Faarax oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya (SAWIRRO)
M1570094.jpg
Jimco, November 15, 2013(HOL) - Musharax Shire Xaaji Faarax oo kamid ah musharrixiinta u tartamaysa xilka madaxtinimo ee dawlad goboleedka Puntland ayaa magaalada Nairobi loogu sameeyay xaflad ballaaran oo ay kasoo qaybgaleen dhammaanba jaaliyada Soomaalida ee dalka Kenya.

Kulanka ayaa waxaa hadal kasoo jeediyay C/llaahi Sheekh Cali (Prof. Qalloocow) oo sheegay inuu kamid ahaa dadkii Puntland wax ka dhisay islamarkaana loo baahanyahay in doorasho qurux badan ay dhacdo.

“Anugu Puntland kuma dhalan, laakiin waxaan ahaa dadkii la shaqaynayay hay’adaha caalamiga ah ee taageerada siiyay markii maamulka la dhisayay, maantana guul bay maraysaa” ayuu yiri Prof. Qalloocow.

Prof. Qalloocow ayaa ka codsaday xildhibaanada Puntland inay codkooda siiyaan Dr. Shire Xaaji Faarax oo uu ku sheegay inay muddo dheer is yaqaaneen uuna yahay nin dawlada dhexe iyo maamul goboleedka Puntland isu soo dhawayn kara.

Wasiirkii hore ee ganacsiga Soomaaliya C/rashiid Maxamed Cirro oo isna goobtaas hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Puntland ay u baahantahay hogaan adag oo horumar muuqda gaarsiin kara Puntland.

“Waxaynu ki jirnaa marxalad adag, waxaana naga gudbin kara Shire Xaaji Faarax” ayuu cirro.

M1570066.jpg

General Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo kamid saraakiishii dawladii hore ee Soomaaliya ayaa isna taageero u muujiyay musrraxan isagoo sheegay inuu yahay nin ku haboon wakhtiga dag ee la marayo.

Ugu dambayntiina Dr. Shire Xaaji Faarax oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa tacsi u diray dadkii ku aafoobay musiibadii duufaantii ku dhufutay deegaanada bariga ee Puntland.

“Waxaan ugu deeqay $5000 oo lacag ah aniga iyo kooxdaydu, waa arrin u baahan in la iska kaashada loona duceeyo dadka dhibaataysan” ayuu yiri Dr. Shire.

Waxaa uu sheegay inuu xiriir wanaagsan oo ku dhisan is ixtiraam inuu la yeelan doono dawlada federaalka ah ee Soomaaliya hadii la doorto.

“Xaqa Puntland ay leedahay iyo kan lagu leeyahay labadaba waan adkaynaynaa, waxaan doonaynaa Soomaaliya oo midaysan oo ku wada nool nidaam federaali ah oo ku dhisan is ixtiraam iyo wada noolaansho dhab ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa uu sheegay inaysan maslaxadi ku jirin go’aankii xiriirka loogu jaray dawlada federaalka ah ee Soomaaliya balse loo baahanyahay in la is hor fariisto oo qolo waliba ay muujiso ixtiraam iyo Soomaalinimo.

M1570065.jpg
M1570052.jpg
M1570059.jpg
M1570072.jpg
M1570073.jpg
M1570083.jpg
M1570087.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya