4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 15, 2013
Wariyayaal iyo khuburo dhanka warbaahinta ah oo ka dooday hindise-sharciyeedka qabyada ah ee saxaafada Soomaaliya (SAWIRRO)

M1570010.jpg
Jimco, November 15, 2013(HOL) - Wariyayaal iyo khuburo dhanka warbaahinta ah ayaa ka dooday hindise-sharciyeedka warbaahinta ee ay xukuumada Soomaaliya doonayso inay horgayso baarlamaanka kaasoo ay dajisay wasaarada warfaafintu.

Sharciga cusub ee warbaahinta Soomaaliya la doonayo in lagu dhaqo ayaa ah mid qodabada ku jiraa ay buuq badan dhaliyeen iyadoo qaar kamid ah wariyayaasha iyo dadka u dooda xorriyatul qawlku ay dhaliileen qodobada sharcigaas qaarkood.

Maxamed Abshir Walde oo ah aqoonyahan khibrad u leh arrimaha warbaahinta oo kulankaasi furay ayaa kasoo qaybgalayaasha ku boorriyay inay dhuuxaan qodobada ka hor inta aan sharcigaas la horgaynin baarlamaanka.

Burhaan Axmed Daahir oo isna kamid ahaa khubaradii dhanka warbaahinta ee kulankaasi joogtay ayaa si adag u dhaliilay qodobka 12-naad ee hindise-sharciyeedka warbaahinta kaasoo ka hadlaya  anshaxa saxaafada.

Burhaan ayaa sheegay in gudiyada warbaahinta ee wariyayaashu ay leeyihiin looga dambeeyo dajinta shuruucda dhanka anshaxa iyadoo dawladana laga doonayo inay dajiso sharciyada guud ee warbaahinta.

Halkaan ka daawo sawiro kale


C/salaam Axmed Caato oo ah madaxa hay’ada DXD ee soo qabanqaabisay barnaamijkan looga doodayay hindise-sharciyeedka qabyada ah ee la doonayo in la horgeeyo baarlamaanka ayaa codsaday in la adkeeyo sharciyada xuquuqda (Copy right) isagoo sheegay in Soomaalidu aysan inta badan tixgalin shaqada dadka dhibka u soo mara inay wax alifaan.

“Anigu filimada ayaan sameeyaa, waxaanan arkaa iyadoo taleefishino aan I waydiisan fasax, laga daawanayo filimadayda, sharciyada xuquuqda (Copy right) waa in la adkeeyaa” ayuu yiri C/salaam.

Intii uu socday kulankii looga doodayay sharciyada warbaahinta ayaa wariyaal badan oo goobtaasi joogay iyo khubaradii warbaahinta ay ka doodeen qaababka ugu wanaagsan ee loo dhigi karo qodobada qaarkood iyadoo inta badan kasoo qaybgalayaashu ay codsadeen in la faahfaahiyo qodob ku saabsanaa ku xadgudubka ammaanka qaranka kaasoo ay sheegeen inuu khatar ku yahay xorriyada warbaahinta Soomaaliya loona adeegsan karo cid walba oo tabisa war aysan dawladu ku faraxsanayn.

M1570015.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya