4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 15, 2013
Wasiirka Warfaafinta Somalia oo Magaalada Bern ee dalka Switzerland kaga Qayb-galay Shirweynaha Boostada (SAWIRRO)

20131114_160454.jpgJimco, November 15, 2013(HOL) - Shirweynaha wadamada xubnaha ka ah ururka boostada aduunka oo ka furmay magaalada Bern ee xarunta waddanka Switzerland ayaa dawlada Soomaaliya ay markii ugu horraysay 23 sano kadib si rasmi uga qaybgashay.

Ururka Boostada oo ay xubno ka yihiin wadamo kor u dhaafaya 190 ayaa Soomaaliya sannadkaan waxaa uga qaybgalay wasiirka warfaafinta,boostada iyo isgaarsiinta C/laahi Ceelmooge Xirsi.

Isagoo khudbad ka jeediyay fadhiga ayuu sheegay Ceelmooge in Soomaaliya ay markale masraxa caalamka dib ugu soo laabatay ayna tahay xubin firfircoon oo kamid ah bulshada caalamka.

Wasiirka ayaa codsaday in Soomaaliya laga taageero dhinaca boostada gaar ahaanna dhanka kharashaadka, qalabaynta iyo tababarrada loo fidinayo shaqaalaha boostooyinka Soomaaliya.

"Wadamada Soomaalida badani daggantahay gaar ahaan waqooyiga Maraykanka, Yurub iyo wadamada Carbeed waxaaan ka codsanaynaa in Soomaaliya laga taageero dhinacyada kharashaadka, qalabaynta iyo tababarrada loo fidinayo shaqaalaha boostooyinka Soomaaliya" ayuu ku yiri wasiirku hadalkii u ka jeediyay goobta.

Intii kulanku uu socday ayaa sidoo kale wasiirku kulan gaar ah la qaatay madaxa boostada aduunka Bishaar Xusseen oo kasoo jeeda Soomaalida dalka Kenya.

Bishaar ayaa sheegay in Soomaaliya ay u fidin doonaan taageero dhanka boostada maadaama waddanka uu muddo dheer ka maqnaa adeega boostooyinka.

Intii kulanku uu socday ayaa wasiirku waxaa uu saxiixay heshiis is-afagarad ah oo dhexmaray boostada aduunka (UPU) iyo waaxda boostada ee Soomaaliya.

Adeega boostada Soomaaliya ayaa si rasmi ah dib u bilowday 1-dii bishatan November, iyadoo Soomaaliya ay haatan kamid tahay wadamada leh adeega boostada.

DSC_2830 (1).jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya