4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 15, 2013
Dhakhaatiir ka tagay Muqdisho oo Gargaar Daawo ah Gaarsiiyay Qoysas ka Barakkacay Fatahaadaha Jowhar (SAWIRRO)


Jimco, November 15, 2013 (HOL) — Mashruuc ay iska kaashadeen Hormuud Telecom Foundation iyo Ururka Midowga Ardayda Jaamacada Banaadir ayaa waxaa howlo caafimaad oo isugu jira daweyn iyo baartaanno lacag la'aan ah loogu sameeyay qoysaska kasoo barakacay fatahaadaha iyo colaadaha ka jira Bariga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe.

Dhakhaatiirtan ayaa waxaa la socday arday maadada caafimaadka ka barta Jaamacada Banaadir iyagoo qoysaska barakacyaasha ah u sameeyay baaris caafimaad iyo daawen lacag la’aan ah.

Guddoomiyaha midowga ardayda Jaamacada Banaadir, Mahad Caabi Ciise oo dhakhaatiirtan hoggaaminaya ayaa sheegay inay ka daweynayaan caruurta iyo dad waaweyn cudurrada guud.

"Waxaan u soo gurmanay dadka walaalaheen ah oo ay saameynta xooggan ku yeesheen fatahaadaha wabiga Shabeelle iyo colaadaha ka jira qaybo ka mid ah gobolka Shabeellada Dhexe," ayuu yiri Mahad Caabi.

Maamulaha shirkada Hormuud ee gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Barrow Acraabi ayaa sheegay in gurmadkan ay la gaareen dadka kasoo barakacay fatahaadaha, isla markaana ay haatan diyaar u yihiin inay sii laba jibaaraan gurmadka ay u fidinayaan dadka ku dhibaateysan Jowhar iyo deegaannada ku dhow-dhow ee kasoo barakacay fatahaadaha iyo colaadaha.

Dhakhaatiirta ayaa ka shaqeeyay xaafadaha Kulmis iyo Hanti-wadaag ee degmada Jowhar, sidoo kale waxay ka shaqeeyeen deegaanka Buurane ee degmada Mahadaay oo ay ku sugan yihiin qoysas ka barakacay dagaalladii ka dhacay duleedka bari ee Jowhar oo u badan waayeel, caruur iyo haween.

Gargaarkaan daaweynta ah ee ay iska kaashanayaal Hormuud Telecom Foundation iyo Jaamacadad Banaadir ayaa waxaa ka faa'ideystay qoysas fara badan oo ay hayeen xanuuno ay ka mid tahay mallaariyada.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya