4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 15, 2013
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay in ay dib u Qabsatay Deegaanka Kudhaa oo Maamulka Jubba uu dhawaan la wareegay


Jimco, November 15, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa shaacisay inay dib u qabsatay deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay dhawaan dagaal kula wareegeen ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba.

Al-shabaab ayaa war ay ku baahisay mid ka mid ah shabakadaha taageera waxay ku sheegtay in ciidamadooda ay si nabadgalyo ah deegaankaas kula wareegeen, kaddib markii ay isaga baxeen ciidamadii maamulka Jubba ee dhawaan la wareegay.

“Xoogaggeennu waxay si nabad ah kula wareegeen deegaanka Kudhaa oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kadibb markii ciidamadii Axmed Madoobe ay isaga carareen,” ayaa lagu yiri warka ay Al-shabaab baahisay.

Sidoo kale, kooxdu waxay sheegtay in deegaankaas ay ka heleen hub ay ka tageen ciidamadii maamulka KMG Jubba, kuwaasoo u badan qoryaha fudud ee daran-doorriga u dhaca.

“Deegaanka waxaa hadda ku sugan xoogaggeenna oo wata gaadiidka ay ku xiran yihiin qoryaha dagaalka, ciidamadii halkaas ku sugnaana way awoodi waayeen inay xoogaggeenna dagaal la galaan,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Al-shabaab.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca maamulka KMG ah ee Jubba, iyadoo ay ciidamada maamulka dagaal ku qabsadeen deegaankaas, waxaana uu horay u sheegay maamulku inuu u diyaar-garoobay sidii Al-shabaab uu uga saari lahaa dhammaan deegaannada ay gobollada Jubbooyinka uga sugan yihiin.

Gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa kawada taliya maamulka KMG Jubba iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo dhawaan heshiis ay dadka Jubbooyinka kasoo jeeda ku gaareen Muqdisho laga soo saaray war-murtiyeed ay qodobbadiisa ka mid ahaayeen in Al-shabaab laga saaro gobolladaas oo dhan.

Al-shabaab ayaa ka talisa gobolka Jubbada dhexe oo dhan, kaasoo qayb ka ah deegaannada uu maamulkan KMG ah ka talinayo labada sano ee soo socota sida uu dhigayo heshiiskii ay dowladda Soomaaliya la galeen bishii Ogoosto ee sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya