4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 15, 2013
Maxkamadda Federaalka Mareykanka oo Xabsi Daa’in ku Xukuntay Somali loo haysto dilka Afar qof oo Mareykan ah


Jimco, November 15, 2013 (HOL) — Maxkamadda federaalka Mareykanka ayaa xukun madaxaa-ha-ku-furto ah ku ridday saddex qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ka mid ahaa 19-qof oo loo haysto inay ka dambeeyeen dilka afar qof oo Mareykan ah oo lagu dilay badweynta Hindiya.

Qaaliga maxkamadda xukunka ridday oo lagu magacaabo, Rebecca Beach Smith ayaa sheegay ku dhawaaqay in Abuukar Cismaan Bayle oo 33-jir ah iyo Shaani Nuuraani Sheekh Abrar oo 31-jir ah lagu xukumay xabsi daa’in, kaddib markii dacwadahooda la dhageystay Arbacadii iyo Khamstii la soo dhaafay, halka Axmed Muuse Salaad oo 27-jir ah isagana lagu xukumay xabsi daa’in Talaadadii aynu kasoo gudubnay.

“Xukunkan wuxuu farriin cad u dirayaa kooxaha burcadadeedda ah ee sida aan kala sooca lahayn u weerara maraakiibta ku safra biyaha Soomaaliya, falalkoodaasna looma dulqaadan doono wixii hadda ka dambeeya,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Dana J. Boente.

Saddex qof ee Soomaalida ah ayaa waxay ka mid yihiin 19-qof oo loo haysto dacwad la xiriirta inay xeebaha Soomaaliya ku toogteen afar qof oo dalka Marekanka u dhashay, kuwaasoo lagu qabsaday dooni ay ku dalxiisayeen.

Dilka afarta qof ee Mareykanka ah ayaa dhacay xilli markab dagaal oo dalka Mareykanka laga leeyahay uu isku dayay inuu xoog kaga furto dableydii gacanta ku haysay, taasoo natiijadeedu noqotay in afarta qof la dilo.

Afartan qof ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray: Jean iyo Scott Adam oo kasoo jeeday gobolka California iyo saaxiibadood oo iyagana lagu kala magacaabi jiray Bob Riggle iyo Phyllis Macay oo kasoo jeeday gobolka Seattle.

Dhanka kale, 11-qof oo ka mi ah 19-ka qof ee loo haystay inay fuliyeen dilka afarta qof ee dalka Mareykanka u dhashay ayaa horay loogu xukumay xabi daa’in, inkastoo weli dacwaddoodu socoto kuwo kale oo aan caddeymo lagu helin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya