4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2013
Kenya oo sheegtay inay Warqadihii aqoonsiga kala laabatay boqol qof oo ay sheegtay inay Aqoonsiyada si khalad ah ku heleen


Khamiis, November 14, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay warqadaha aqoonsiga dalkeeda kala noqotay in ka badan boqol ruux oo ay sheegtay inay yihiin ajaanib oo markii horeba si khalad ah warqadahaas ku helay.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Westgate Mall bishii September ee lasoo dhaafay ayay dowladda Kenya waxay sheegaysay inay baarais ku sameyn doonto eedeymo sheegayay in dad aan u dhalan dalkaas ay dhalashada iyo aqoonsiga dalkeeda ku heleen si aan sharciga waafaqsanayn.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku oo shir jaraa'id qabtay maanta ayaa sheegay in dowalddu ay dib u eegis ku smaeysay aqoonsayadii la bixiyeey seddaxdii sanno ee la soo dhaafay.

“Shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay inay sida sharci-darrada ah ku helaan aqoonsiga Kenya maxkamad la soo taagi doono,” ayuu yiri Lenku oo intaa ku daray in boqol qof oo ajaanib ah ay ka qaadeen aqoonsiyada Kenya oo la soo ogaaday inay sharci-darro ah ku heleen.

Lenku ayaa intaas ku daray inay digniin u dirayaan sahqaalaha socdaalka oo uu sheegay in shaqada laga joojin doono maxkamdna lasoo taagay haddii lagu helo inay ku dhaqaaqaan falal musuqmaasuq ah.

Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay sii wadi doonto baarista ay sii wadi doonto dib u eegisna lagu sameyn doono sida aqoonsiga dalkeeda lagu bixiyo.

Tallaabadan ayaa imaanaysa kaddib markii wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya ay shaqada ka eriday 15 ka mid ah shaqaalaha iyo mas’uuliyiin ka tirsan waaxda socdaalka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay aqoonsiyada Kenya ku bixiyeen qaab laaluush ah.

Waa markii ugu horreysay oo dowladda Kenya ay sheegto inay aqoonsiyada dalkeeda ka ceshatay dad ajaanib ah oo la siiyay, balse ma sheegin wasiirku dadkaas aqoonsiyada lagala laabtay dalalka ay u dhasheen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya