4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2013
Laba ka mid ah baalayaasha qorraxda ku shaqeeya ee Magaalada Muqdisho laga Hirgeliyay oo Qaraxyo lala Beegsaday


Khamiis, November 14, 2013 (HOL) — Lab aka mid ah ballaarayaasha ku shaqeeya cad-ceedda ee laga hirgeliyay Muqdisho ayaa maanta qarax lagu burburiyay, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay baallayaal kale ka fureen miinooyin lagu xiray.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Laba-dhagax ayaa sheegay in laba ka mid ah baallayaasha qorraxda ku shaqeeya oo la sugay jidka soddonka bam lagu qarxiyay, ayna dhulka kusoo dhaceen, markaas kaddibna ay goobta si deg-deg ah kusoo gaareen ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM iyo dowladda.

“Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa dhowr baalle oo kale ka furay miinooyin lagu xiray oo aan weli qarxin, iyagoo isla goobta ku qarxiyay,” ayuu yiri goobjooge magaciisa ka gaabsaday oo saxaafadda la hadlay.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay intii ay ciidamada dowladdu iyo kuwa AMISOM ku jireen howgalka ay baallayaasha kaga furayeen miinooyinka ay xireen isku socodka gaadiidka iyo dadka jidka soddonka gaar ahaan halkii ay lagu qarxiyay baallayaasha oo u dhexeysa isgoyska Cali-Kamiin iyo xaafadda Laba-dhagax oo ee degmada Wardhiigley.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada baallayaashan, balse waxaa horay qaraxyo noocan oo kale ah loogu burburiyay dhowr baalle oo ka mid ah kuwa ku shaqeeya cad-ceedda, kuwaasoo maamulka gobolka Banaadir uu sannadkan ka hirgeliyay dhowr waddo oo Muqdisho ku yaalla.

Inta badan qaraxyada loo geysto baallayaasha qorraxda ku shaqeeya ayaa waxaa lagu eedeeyaa Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirata dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Jidka soddonka ayaa wuxuu ka mid yahay saddex waddo oo maamulku uu ka hirgeliyay baallayaashan casriga ah ee cad-ceedda ku shaqeeya, iyadoo dhowr jeer ay mas’uuliyiinta maamulka gobolka ugu baaqeen shacabka inay ka ilaashadaan baallayaashan kooxaha qaraxyada la beegsanaya.

Bishan gudaheeda ayay ahayd markii baalle ka mid ah kuwa cad-ceedda ku shaqeeya oo ku yaalla jidka muhiimka ah ee Maka Al-Mukamara bambaano lagu qarxiyay, inkastoo aysan jirin cid ay khasaare kasoo gaarto qaraxyada lala beegsanayo baallayaashan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya