4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2013
Dowladda Jarmalka oo sheegtay inay Kordhin doonto Gargaarka ay siinayso Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya

Khamiis, November 14, 2013 (HOL) — Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in taageero dheeri ah ay siin doonaan qaxootiga ku jira xerada dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasi oo ay ku noolyihiin kumanaan qaxooti ah oo ka soo qaxay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay gudaha wadanka Soomaaliya.

War ka soo baxay safaaradda Jarmalka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in qaxootiga Dhadhaab lagu taageri doono lacag gaaraysa  950,000 oo Euro, taasi oo lagu hormarin doono nolosha danyar badan oo muddo sanado ah ku noolaa xeradaasi.

"Sababta ugu weyn ee mashruucan waa in sare loo qaado biyo nadiif ah oo ay helaan qaxootiga Dhadhaab iyo waliba nadaafad wanaagsan," ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay safaaradda Germeny ,iyadoo mashruucaasi ay ka faa'idaysan doonaan dad lagu qiyaasay 200,000 oo ruux oo Soomaali u badan.

Sidoo kale gar-gaarkan waxaa loogu tala galay in ay qayb- ka helaan qaxooti badan oo ku nool xeryaha IFO  iyo Dhagaxley oo ay ku noolyihin boqool qaxooti ah ,kuwaasi oo meelo kala duwan oo Africa ah ka yimid si ay u helaan gar-gaarka beesha caalamka.

Waxaa kaloo war-mutiyeedka lagu xusay in deeqdan ay kaalin weyn ka gaysan doonto hirgalinta iskuulo cusub oo ay dhigan doonaan kumanaanka caruurta ah ee xeryahaasi ku nool ,kuwaasi oo aan fursado wanaagsan u helin waxbarasho tayaysan tan iyo intii ay u soo qaxeen goobahasi .

Dhinaca kale deeqdan oo sii mari doonta hayado badan ayaa waxaa kaalinta ugu weyn ee fududeynta gar-garkaan hormuud ka noqon doonta hay'adda CARE Germany oo kaashaynaya hayado ay kamid yiihiin  Danish Refugee Council (DRC) oo iyadu in muddo ah xeryahaasi ka howl-galaysay.

Deeqdan ay ku yaboohday dowladda Jermalka ayaa ku so beegmaysa, iyadoo dhawaan magaalada Nairobi ay heshiis ku kala saxiixdeen dowladaha Soomaliya iyo Kenya oo ku aadan in dib loo celiyo qaxootiga Somaaliyeed, waxaana heshiskaasi goob-joog ka ahaa hayadda qaxootiga aduunka ee UNHCR.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa axaddi la soo dhaafay sheegay in  80,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah ay iskood dib ugu laabteen gudaha dalkoodi ,isagoo xusay in sidoo kale ay jiraan boqool qaxooti ah oo wali ku harsan xeryaha ,kuwaasi oon wali laaban, isla markaana u baahan in tageero dheeri ah loo fidiyo.

Ugu danbayntii xerada Dhadhaab ayaa lagu qiyaasaa in ay ku noolyihin qaxooti tiro badan oo gaaraya 90,000 oo ruux  ,kuwaasi oo intooda badan ka soo cararay dagaalada sokeeye ee Somaliya ka dhacay , waxaana dhowr jeer oo hore dowladda Kenya ay sheegtay in dhibaatooyinka amni xumo ee ka dhacay wadankaasi badankood laga soo abaabulay xeryahaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya