4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2013
Xukuumadda Somalia oo Maanta Ansixisay Qorshe dib loogu Howl-gelinayo Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Khamiis, November 14, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay shirkoodii caadiga ah oo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku meel mariyay qorshe lagu hawl-gelinayo jaamacaddii ummadda oo ka mid ah ahayd goobihii ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka soo maray.

Kaddib soo jeedinta wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada iyo oo laga yeeshay door waxay goluhu ansixiyay qorshaha dib loogu hawl-gelinayo Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo loo qoondeeyay miisaaniyad lacageed oo gaaraysa $3.6 malyuun oo daollar, loona gudbiyay wasaaradda maaliyadda.

Agaasinka waxbarashada ee wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada oo dhawaan hirgelisay barnaamijka “AADA DUGSIYADA” ayaa dhanka kale ku hawlanaa dib-u-hawlgelinta Jaamacaddii Ummaada, waxana  tallaabadani ay ka mid tahay guulaha xukuumadda, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu shirkii hore ee waxbarashada ku ballan-qaaday dib-u-hawlgelinta jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa guul ku tilmaamay qorshaha lagu hawlgelinayo Jaamacadda Ummadda Soomaaliya oo burbursanayd muddo 23-kii sano ee dalku dagaallada ka socdeen ah.

“Waxaa maanta sharaf weyn noo ah inaan dib u hawl-gelinno Jaamacaddii Ummadda Soomaailyeed, kaddib sanooyin badan oo aanay shaqaynin, tani waxay guul u tahay xukuumadda iyo Qaranka Soomaaliya” sidaasi ra’iisul wasaare Saacid ka sheegay shirkii golaha wasiirrada ee maanta.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah waxaa Jaamacad loogu aqoonsaday sannadkii 1974-kii, waxana  lagu maamuli jiray xeerka lambar 72 oo soo baxay 7-dii September 1977-kii, iyadoo soo saari jirtay aqoon-yahanno laf-dhabar u ahaa Soomaaliya.

Sidoo kale, golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay maanta ansixiyey xeerka  maamulka hay’adda daraasaadka badaha Soomaaliya ee (HDBS), waxaana dood iyo lafa-gur kaddib uu goluhu isku raacay inay tahay muhiim in la sameeyo hay’addan, si loo waajaho dhibaatooyinka ka taagan badaha Soomaaliya.

Dhismaha hay’addan oo saameyn doonta cilmi-baaris wuxuu qayb ka yahay qorshah xasilinta Qaranka iyo sidoo kale dadaalka ay Somalia ku dooneyso inay ku hanato dhammaan dhulka, badaha iyo hawada Soomaaliya.

Dhinaca kale, golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa ka dooday ammaanka guud ee Qaranka, waxana uu soo dhaweeyey go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku kordhiyaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM . 

Golaha ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya Shabeelaha Dhexe inay dirirta joojiyaan, isl amarkaana khilaafaadkooda ku xalliyaan tubta nabadda iyo wada noolaanshaha, waxaana goluhu ku amray ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan inay kala dhex-galaan beelaha dirirtu u dhexeyso.

“Waxaan ugu baaqayaa walaalaha ku dagaalamaya Shabeelaha Dhexe in ay joojiyaan colaadda oo ay khilaafkooda ku dhameeyaan wadahadal, waxaan ku amraynaa ciidamadda dowladda ee halkaasi ku sugan inay beelaha uu u dhexeeyo dagaalka kala dhexgalaan. Waayo maanta waxaa la joogaa xilligii nabadda iyo horumarka ee lama joogo xilli dagaal,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Tallaabooyinkaan ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli uu jiro khilaaf adag oo u dhexeeya dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kaasoo gaaray in warbaahinta uu si toos ah ugu caddeeyo ra’iisul wasaaruhu jiritaanka khilaafkan.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya