4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2013
Wasiirka Difaaca Somalia oo kormeeray dhismaha Xero lagu tababari doono Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka (SAWIRRO)


Khamiis, November 14, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxmuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyeen agaasimaha guud ee wasaaradda difaaca, Muuse C/lle Maxamuud iyo saraakiil ku howlan hir-gelinta mashruuca dib loogu dhisayo xeradan casriga ah ee lagu tababarayo saraakiisha ciidamada XDS ayaa waxay ugu horreyn kormeereen dhismaha xeradii hore ee agoonta ciidamada xoogga dalka iyo xero lagu tababarayo ciidamada saraakiisha ciidamada xoogga dalka.

Mudane Faqi oo ka hadlay ujeeddada kormeerkiisa ayaa xusay in dhismaha xeradan casriga ah lagu tababari doono saraakiisha ciidamada XDS taasoo mashruuca lagu hirgelinayo ay maalgelintiisa wasaaradda Difaaca Somalia oo kaashanaysa dowlado saaxiibo dhaw la ah Soomaaliya.

“Xeradan cusub waxay wax badan kusoo kordhin doontaa tayada iyo dib u dhiska ciidamada xoogga dalka; isla amarkaana waxay soo saari doontaa saraakiil tababar xirfadeysan ku qaatay gudaha dalkooda,” ayuu yiri Fiqi oo si kooban ula hadlay warbaahinta.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, wasiirka wasiirka ayaa soo dhaweeyay go’aankii dhawaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM kaasoo ku aaddanaa kordhinta ciidamada AMISOM iyo in la taageero ciidamada xoogga dalka, isagoo farta ku fiiqay in dhanka kale ay wasaaraddu soo dhaweynayso tallaabadii ay Itoobiya kaga mid noqonayso howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM.

Ugu dambeyn, wasiirka difaaca Somalia ayaa ka codsaday dowladaha Afrika inay soo dadajiyaan ciidamada ay u soo dirayaan Soomaaliya kuwaasoo lagu kordhinayo AMISOM si loo soo afjaro jiritaanka kooxda Al-shabab maadaama haatan ay marayaan heerkoodii ugu dambeeyay lagana xureyn doono guud ahaan dalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa tan iyo markii la dhisay muddo sannad laga joogo waxay dadaal xooggan ugu jirtay wax ka qabashada ammaanka guud ee dalka iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwa xoogga dalka si dalka oo dhan ammaan loogu soo rogo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya