4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2013
Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Guddi loo Talo-galay inay Sugaan Amniga Puntland inta Doorashadu socoto

Khamiis, November 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiramaan Maxamed Faroole ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu wareegto uu soo saaray ku magacaabay guddi sare oo sugaya ammaanka Puntland inta ay doorashooyinka madaxnimo socdaan.

Guddigan la magacaabay ayaa waxay ka kooban yihiin maammulka Puntland ee talada hadda haya waxaya kala yihiin:

  1. Madaxweynaha/Madaxweyne ku xigeenka
  2. Wasaarada Amniga
  3. Wasaarada Maaliyadda
  4. Taliyayaasha Ciidamada.
  5. Taliyaha ciidanka nabad sugida (PSS)
  6. Taliyaha ciidanka PIA.

Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale wareegtadiisa wuxuu ku sheegay in taliyaha guud ee ciidamada Puntland, Jen. Siciid Maxamed Xirsi (S. dheere) uu u magacaabay inuu noqdo madaxa fulinta qorshaha amniga Puntland inta lagu jiro doorashooyinka madaxnimo.

Deegaannada Puntland ayaa waxaa ka socda xulista xubnaha ka mid noqon doona baarlamaanka cusub ee Puntland oo hab beeleed ku imaan doona, iyadoo la sheeagayo in odayaasha dhaqanku ay ku dhow yihiin inay xilliyada soo socda soo gaba-gabeeyaan xulista xildhibaannada.

Baarlamaanka cusub ee Puntland oo ka koobnaan doona 66-kursi ayaa soo dooran doona madaxweynaha cusub ee hoggaanka maamulkaas qabanaya, iyadoo murashaxiin badan ay isku soo taageen xilka madaxweynenimo ee Puntland.

Magacaabista guddiga sare ee amniga Puntland ayaa lagu soo beegay xilli ay dadaallo badan oo loogu diyaar-garoobayo doorashooyinka dhacaya bisha ugu horreysay sannadka 2014-ka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya