4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2013
Faahfaahin ku saabsan Ciidammo taabacsan Maamulka Jubba oo qaatay qalabka Idaacad ka howl-billowday Magaalada Kismaayo

Arbaco, 13 November 2013(HOL)—Ciidammo ka amar qaata Maamulka KMG ah ee Jubba ee xaruntiisu tahay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubba hoose ayaa weeraray xarun ay ku howlgeleysay Idaacad maanta ka howl-billowday magaaladaas oo magaceedu yahay Idaacadda Codka Soomaaliya (Radio Voice of Somalia).

 

Milkilaha Idaacadda Codka Soomaaliya C/weli Ibraahin Garyare ayaa HOL uga warramay qaabkii loo xiray Idaacadda iyo qalabkii laga qaatay, wuxuuna sheegay in Idaacadda ay muddo dheer diyaargarow ku  jirtay, maantana hawada la geliyay, markii ay waqti yar hawada ku jirtayna ay Idaacadda ciidammo ay wateen labo nin oo sheegtay in ay ka tirsan yihiin Saraakiisha ciidammada nabadsugidda Maamulka Jubba, kuwaasi oo Idaacadda hawada ka saaray, kaddibna qaatay qalabkii Idaacadda. Labada nin ayuu magacyadoodu ku kala sheegay Xamdi iyo Mustaf.

 

Wuxuu intaas ku daray Milkilaha  in qalabka Idaacadda ka sokow ay sidoo kale xabsiga dhigeen Agaasimaha Idaacadda Codka Soomaaliya Maxamed Cabdi Caynte, kaasi oo saacado xarig ah kaddib xoriyaddiisa loo soo celiyay, hayeeshee aanan weli la soo celin qalabkii Idaacadda oo ka kooban FM-tii, Laliskii iyo Mixer-kii iyo qalab kale.

 

Mar aan weydiinnay Milkilaha  in Idaacadda furitaankeeda ay ku wargeliyeen maamulka Jubba ayuu sheegay in ay ruqsad ka heystaan maamulka Jubba, wuxuuna xusay in warqadda ruqsada ah uu u saxiixay hoggaamiye ku xigeenka maamulka Jubba Gen. Abdilaahi Shiikh Ismaciil "Fartaag".

 

 ”Ma garaneyno sababta loo qaatay qalabkii Idaacadda oo ruqsad ka heysatay maamulka Jubba, sidaas darteedna waxaan ka dalbaneynaa Maamulka inuu dib inoogu soo celiyo hantida innaga maqan, sidoo kalana la caddeeyo sababta ka dambeysa weerarkan iyo xarigga naloo geystay annaga oo ogolaansho heysanna"ayuu yiri Cabdiweli Ibraahim Garyare Milkilaha Idaacadda Codka Soomaaliya.

 


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]