4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2013
Maamulka gobolka Banaadir oo ka shiray duufaantii ka dhacday Puntland & Fatahaaddii Gobolka Shabeellada Dhexe (SAWIRRO)


Arbaco, November 13, 2013 (HOL) — Kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen gabi ahaan guddoomiyeyaasha dagmooyinka gobolka Banaadir oo uu shir guddoominayay duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa maanta ka dhacay hoolka shirarka xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ahaa mid deg-deg ah isla markaana aan caadi ahayn ayaa lagu gor-feeynayay xaaladaha bani’aadamnimo ee musiibooyinka ka kala dhacay gobollada Shabeeleha Dhexe iyo Puntland, halkaasoo ay dad fara badan oo Soomaaliyeed nafwaayeen, kaddib markii ay halakeeyeen dufaan, colaad iyo fatahaad.

Dhammaan mas’uuliyiintii kulanka kasoo qaybgalay ayaa waxay muujiyeen sida ay ula qaybsanayaan shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ku habsatay iyagoo sheegay inay ururin doonaan dhaqaale ay ku caawinayaan dadk ay musiibooyinkan ku dhacday.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa cod dheer ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiintooda ku nool Muqdisho inay si aan kala har lahayn ugu soo gurmadaan walaalahood ku dhibaateysan gobollada Puntland iyo Shabeellada Dhexe.

“Dadka Muqdisho ku dhaqan waxaa laga rabaa inay u gurmadaan walaalaha gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Puntlanad ku dhibaateysan, kaddib markii ay fatahaado, colaado iyo duufaaniba ku dhufatay. Waxaana la doonayaa in aad ugu gurmataan sidii sannadkii 2006-da ay ugu gurmadeen gobollada Koonfureed gaar ahaan Gedo, musiibooyinkii abaareed ee ka dhacay” ayuu yiri Tarsan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa intaas ku daray in maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Muqdisho ay billaabi doonaan olole socon doona hal toddobaad kaasoo lagu arurinayo kaalmo kasta oo la gaarsiin karo shacabka ay dhibaatadu ku dhacday.

Waxaa la filayaa in dadka Muqdisho ku dhaqan aanay u kala harin sidii ay u caawin lahaayeen shacabka ay dhibaatada kasoo gaartay dhibaatooyinka ka dhacay Puntland iyo Shabeellada dhexe, iyadoona durba la arkayay dhowr masaajid oo waaweyn oo Muqdisho ku yaalla oo laga iclaamiyay in shacabka ay dhibaatadu ku dhacday loo gurmado.

Ma ahan markii ugu horreysay ee shacabka Muqdisho ku nool loogu baaqo in ay u gurmadaan dad Soomaaliyeed oo ay musiibo ku dhacday, waxaana tan iyo markii ay dhibaatooyinka ka dhacayeen dalka ay kow ka ahaayeen dadka u gurmaha walaalahood.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya